Kheyre oo codsaday taliyayaasha ciidamada in ay is casilaan ama kenaan ..

Filed under: Wararka |

Sarkaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Wakaalada Warqaad.com u sheegay in Xiisad xoogan ay ka dhalatay Weerarkii Al shabaab ku qaadeen Xarumaha Wasaaraddaha Arrimaha gudaha iyo Amniga Somaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay inuu si weyn kaga carooday weerarkaasi xilli magaalada Shacabka ay ku adag tahay inay meesheey doonaan socdaan iyadoo ciidamada ay wadooyinka xireen hadana aan loo dulqaadan karin in qaraxyo dhacaan taasoo Dowlada ceeb ku ah.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa kulan uu la qaatay Taliyeyaasha ciidamada wuxuu ugu hanjabay inay iscasilaan ama ay keenaan cadeymo ku saabsan cidii weerarkaasi u fududeysay Al shabaab.

Baaritaano xoog leh oo la xiriira habka suurtagalnimada weerarkaan uu u dhacay ayaa socda waxaana laga yaabaa in Shaqsiyaad dowlada ka tirsan la ogaado inay falkan ka dambeeyaan.

Taliyeyaasha ayaa iyagoo ka jawaabaya carada Ra’iisul wasaare Kheyre waxay xavsi dhigeen Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Somaliya iyo kuwa Nabad sugida.

Saraakiisha la xiray waxa ay taliye unugyo ka ahaayeen Koontaroolada Ciidamada ay joogaan ee ku kala yaallo Suuq yaraha Sayidka iyo Dalcadda Sayidka, waxaa kale oo la xiray Taliye Unugyaal joogay Koontaroolo kale oo ay soo mareen labada gaari ee qaraxyada lagu fuliyay.

Posted by on July 9, 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=KOQ34B1Nfes&w=468&h=60]

Leave a Reply