Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xog dhab ah Kismaayo iyo damaca dadka qaarkood

Waxaa loo hanqaltaageyay maamul u sameynta Jubaland oo rajo weyn laga laha laakin waxaba yimid dagaal hor leh.
Dagaalkaan iskama dhicin ee waxuu aha mid waa hore la qorsheynayay oo ay ka dambeeyaan dowlado shisheeye.
Ciidamada Raas kambooni iyo ciidamada kale ee ku magacaaban Ciidamada dowladda waxaa kala wata quwada shisheeye oo aan is rabin oo danahooda ku fushanaya.
Markey laba maroodi is diriraan waxaa ku baaba’a cowska hoostooda yaala.Waxa dhimanaya waa Soomali ee ma aha quwadaha shisheeye ee adeegsanaya labada dhinac.
Tan kale shirka la rabay in u ka furmo Kismaayo sida loo agaasimay ayaa awalba khaldanayd oo aan caddaalad ku dhisneyn.
Haddii la rabo in ay arritaani hagaagto waa in ay ku saleysantahay caddaalad iyo Alle ka cabsi.Tan labaad in maamul loogu sameeyo Jubaland way ka fogeyd caddaalad iyo wax wada qeybsiga dadka wada daga Jubooyinka.
Marka waa in dib loogu noqdaa arrintaani haddii la rabo in ay hagaagto Jubaland State oo deegaanka dadka degan talada iyo waxqeybsiga wax laga siiyaa.

You must be logged in to post a comment Login