Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kismaayo oo galabta uu kulan aan caadi aheyn ka socdo

Sida ay sheegayaan ilo wareed lagu kalsoon yahay oo la hadlay wakaalada Wararka Warqaad.so ayaa waxay sheegayaan in galabta xarunta madaxtooyada Kismaayo uu ka socdo kulan albaabada uxiran yahay.

Kulanka waxa uu udhaxeeyaa Ra’iisalwasaare C/weli Shiikh Axmed iyo odayaal katirsan Beesha Sade oo maanta Kismaayo gaaray.

Wariye kusugan meesha kulanka ka socdo ayaa Warqaad usheegay inay kawada hadlayaan labada dhinac sidii xal looga gaari lahaa is fahmi waaga ka dhex jira Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale.

Odayaasha Beesha Sade ayaa war ay heshay Warqaad waxay sheegeen inay doonayaan Barre in saami fiican laga siiyo qaabka maamulka JUBBA uu ku shaqeeyo ka hor inta xal la gaarin.

You must be logged in to post a comment Login