Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kismaayo oo lagu soo bandhigay maleeshiyaad ka tirsan Shabaab

Saraakiisha ciidamada maamulka KMG ah ee Jubba ayaa soo bandhigay maxaabiis ay ka soo qabteen maleeshiyaadka Shabaab.

Aadan Goojaar oo ka mid ah saraakiisha ciidanka maamulka KMG ah ee Jubba ayaa Radio Muqdisho u sheegay in habeenkii xalay ay ciidamadu weerar ku qaadeen fariisin ay malleeshiyaadka Alshabaab ku lahaayeen deegaanka Luglow ee duleedka Kismaayo.

Sarkalkan ayaa saxaafada usoo bandhigay meydka mid ka mid ah maleeshiyaadka Alshabaab iyo afar kale oo maxaabiis ahaan loogu soo qabtay howlgalkaasi.

“weerar ayaan xalay xalay ku qaadnay maleeshiyaad ku sugnaa Lugloow, waxaana ka dilnay 6, 11 wan ka dhaawacnay, Afar kalena maxaabiis ahaan ayaan usoo qabanay, hub fududna wan ka qabsanay, waana sii wadeeyna howlgallada noocan oo kale ah” ayuu yiri aadan Goojaar.

Howlgalkan ayuu sheegay iney iska kaashanayeen ciidanka maamulka KMG ah ee Jubba iyo kuwa AMISOM, wuxuuna ku gooddinyay ineey Alshabaab ka ciribtiri doonaan dhamaan gobollada Jubbooyinka.
acquire sildenafil, acquire zithromax.

You must be logged in to post a comment Login