Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

KISMAAYO:- Shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka oo maanta soo xirmaya

doxycycline without prescription, zithromax without prescription.

Shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Jubboyinka uga socday magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa maanta oo axad ah in lasoo gabagabeeyo

Dhamaan beelaha wada deggan Gobalada Jubooyinka iyo Gedo ayaa is cafiyey isla markaasina ay heshiis buuxa ka gaareen wax yaabahii la kala tabanayay sida laga soo xigtay saraakiil maamulka Jubba ka tirsan.

Xiritaanka shirkaan ayaa laga soo saarayaa war-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saarayaan beelaha dega Jubooyinka, maamulka KMG ah ee Jubba iyo dhamaan dhinacyadii kale ee ku lugta lahaa heshiiskani. Waxaana la qaban doonaa xaflad lagu soo gabo gabeynayo shirkaan.

Ugu dambayntii, Ciidamada maamulka KMG ah ee Jubba iyo kuwa AMISOM ayaa bilaabay dhaq dhaqaaq ciidan, iyadoo shalay ay ciidamadu gaareen Buula-Gaduud oo qiyaastii 30 km u jirta magaalada Kismaayo, kadib Ciidamada dib ayay uga soo gurteen waxayna saldhig ka sameysteen xeradii tababarka Ciidamadii xooga dalka Soomaaliya ee Lugloow oo u dhaxeysa Goobweyn iyo Yoontooy.

You must be logged in to post a comment Login