Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kolonyo AMISOM oo goor dhow qarax lala eegtay.

qarax6-1
Qarax aad u xoogan, ayaa Salaaddii Maqribka kadib laga maqlay inta u dhaxeyso Isgoyska SOS iyo Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Kolonyo kala duwan oo ay la socdeen Ciidamada Amisom iyo Dowladda, ayaa aaggaasi wada maraayay xilligii uu qaraxu ka dhacaayay, waxaana la ogayn cidda sida gaarka ah loola eegtay.

Ciidamada Dowladda oo watay laba gaari oo Cabdi Bille ah, ayaa waxay galbinayeen gaari nooca raaxada ah oo lagu sheegay Prada, iyadoo aan la aqoon cidda saarneyd.

Sidoo kale Ciidamada Amisom, ayaa waxay wateen gawaarida nooca qufulan, ee rasaastu aysan karin, isla-markaana kolonyadooda iyo kuwa Ciidamada Dowladda, ayaa la sheegay in ay isku xilli uun marayeen halkaasi.

Qaraxa kadib, ayay Ciidamada Amisom dhowr jiho u ridayn rasaas aysan u meel dayin, waxayna xaalad baqdin leh ay geliyeen dadka Deegaanka, inkastoo aan laga warqabin in rasaastu ay waxyeelo geysatay iyo in kale.

Wararka waxay intaa ku darayaan in Ciidamada Amisom ay xirayn halka uu qaraxu ka dhacay, isla-markaana ay xilligaan ku sugan yihiin.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan Degmada Heliwaa, ayaa sheegay in Ciidamada Amisom weli lagu arkaayo wadada uu qaraxu ka dhacay.
wixii warar ah ee kusoo kordha & qasaare haduu geeysataya nagala soco INSHAAA ALLAAH.

You must be logged in to post a comment Login