Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Koobka Zone 5 oo Maalintiisii labaad galay iyo Soomaaliya oo Laga Badiyay Ciyaartii Labaad “Sawirro”

 

Ciyaaraha kubadda Koleyga ee Zone 5 oo shalay ka furmay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda ayaa galay maalintii labaad, Dalkeena Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada ka qeyb galaya Tartankan waxaana sidoo kale kamid ah wadamada ka qeybta galaya dalalka Uganda, Kenya, Rwanda iyo Masar.

Xulka Kubada Kolayga ee dalkeena Soomaaliya ayaa Ciyaartiisii ugu horaysay waxaa uu la ciyaariyay dalka Uganda oo ah dalka Marti galinayo Ciyaarahan Zone 5.

Tartankan oo xalay ka furmay magaalada Kampala ayaa waxaa garoonka soo buux dhaafiyay Taageerayaasha labada koxood, waxaana ciyaar yahanada Xulka Soomaaliya ee Kubada Kolayga ay soo bandhigeen ciyaar wanaag, iyadoo dadkii ciyaarta kasoo qeyb galay ay aad ula dhaceen ciyaar wanaaga ay muujieen Ciyaartoyada metelayay Soomaaliya.

Waxaa furitaankii ciyaarta kasoo qeyb galay Safaarada ay Soomaaliya ku leedahay dalka Uganda, iyadoona ay wada joogeen dhamaan Dublumaasiyiinta Safaarada ka hawlgala oo uu hogaaminayay Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Mudane Sayid Axmed Sh. Daahir.

Qaybtii hore ee ciyaarta waxay labada kooxood ahaayeen kuwo isu dhibco dhow, ilaa laga gaaray dhamaadka ciyaarta markaas oo Xulka kubada Kolayga ee dalka Uganda ay ku hor mareen 10 dhibcood. Sidaana waxaa ku dhamaatay ciyaartii ugu horeysay ee Xulka kubada Kolayga ee Soomaaliya ay ciyaareen.

Ciyaartii labaad ayaa ciyaartoyda  Soomaaliya waxa ay caawo la ciyaareen dalka Kenya, Ciyaartan ayaa bilaabatay saacada bariga Africa markay ahayd 7:00pm,waxaana Ciyaartan aad u soo buux dhaafiyay Taageerayaal badan oo ka kala yimid dalalka bariga Africa, gaar ahaana dalka Uganda, waxaana is-qabsaday buuq iyo Sawaxanka ay taageerayaashu ku dhiiri gelinayaan kooxda Kubada kolayga ee dalkeena,waxaa ciyaartan ku dhamaatay 97-79 oo xulka Kenya ay guushu ku raacday,ciyaarta danbe ayaa xulka Soomaaliya waxa uu la ciyaari doonaa xulka Rwanda.

Good1 Good2 Good3 Good4 Good5 Good6 Good7 buy Tadalis SX Soft online cheap, order lioresal. Good8 Good9 Good10 Good11 Good12 Good13 Good14 Good15 Good16 Good17 Good18 Good19 Good20 Good21 Good22 Good23 Good24

Warbixinta:- Mohamed Yemani

Sawir qaade:-Mokhtar ahmed Mohamed [Big Boss]

Kampala,Uganda

You must be logged in to post a comment Login