Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidnimadii weeraray goob ganacsi oo ku taala xaafada Waaberi oo ka tirsan magaalada Garoowe

Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidnimadii weeraray goob ganacsi oo ku taala xaafada Waaberi oo ka tirsan magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland halkaasoo ay ka geysteen dhimasho iyo dhaawac.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in kooxahaas hubeysan ay halkaas ku dileen labo ruux oo uu ku jiray ninkii lahaa goobtaas ganacsi, halka qof 3aadna ay dhaawaceen.

Ma cadda sababta ka dambeysa weerarkaas oo kooxihii ka dambeeyey ay baxsadeen, lamana oga cida rasmi ahaan ka dambeysa.

Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa gaaray goobta uu weerarkaas ka dhacay isla xalay iyagoo wada baaritaano ku saabsan cida ay ahaayeen iyo sidii loo soo qaban lahaa kooxihii fuliyey weerarkaas, waxayna u qabteen dhowr qof oo laga shakisan yahay.

Ma jiro war illaa hadda Boolisku ka soo saareen weerarkii xalay oo ka mid ah weeraro dil iyo dhibaatooyin lagu geysto oo mararka qaarkood ka dhaca magaalada Garowe oo ah magaalo si weyn loo ilaaliyo amaankeeda oo xarun u ah madaxda Puntland.

You must be logged in to post a comment Login