Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ku dhowaad 3o Al-shabaabnimo loo Heysto oo lagu Xiray Baydhabo

Taliska Booliska Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Xabsiga dhigay 30 ka Tirsan Al-shabaab, kuwaa oo lagu qabtay Baaritaano Magaalada laga Sameeyay.

Col. Mahad C/raxmaan Aadan Taliyaha Qeybta Booliska ee Gobolka Baay ayaa shaaca ka qaaday in ay Al-shabaab Badan kusoo qabteen Baaritaanadii ugu dambeeyay ee Magaalada Baydhabo ka dhacay, dadka lasoo qabtay Guud ahaan ayuu sheegay in ay Gaarayaan 192 qof, 30-ka hada Xabsiga lagu reebayna Caddeymo lagu Helay.

cheap sildenafil, Zoloft reviews.

Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Baay ayaa sheegay in aysan Al-shabaab ku Gamban doonin dadka Magaalada Baydhabo, isla Markaana ay dadku kala Shaqeeyaan Amaanka sidii loo sugi lahaa.

Mahad waxaa uu shaaciyay in ay dadka Magaalada Baydhabo intooda Badan Goosteen in ay ka Horjeestaan Al-shabaab, kuwaa oo uu ku sheegay in aysan Jecleysan sida Shabaabku ula Dhaqmaan, sida uu Hadalka u dhigay.

You must be logged in to post a comment Login