Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ku simaha madaxweynaha oo ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay midowgii Jarmalka

Viagra Caps without prescription, lioresal online.
Ku simaha madaxweynaha ahna gudoomiyaha Baarlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay midowgii Labada Jarmal oo ka dhacday xarunta safaarada Jarmalka ee Muqdisho.

Munaasabada lagu maamuusayay midowgii labada Jarmal iyo dumintii derbigii kala qeybinayay, ayaa lagu qabtay safaarada Jarmalku ay ku leeyihiin Muqdisho, waxaana ka qeybgalay Prof. “Jawaari” xildhibaanno, wasiirro, safiirrada caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho, wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo marti sharaf kale.

Danjiraha Jarmalka ee Soomaaliya Andre bashkhaar oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in muddadii ay Soomaaliya ku jirtay burburka ay dowlada Jarmalku lacag u keydineysay Soomaaliya, taasoo uu xisay in lagu fulin doono mashaariic horumarineed oo dowlada Jarmalku ugu talagashay Soomaaliya.

Safiirka ayaa ka dhawaajiyay in dowlada Jarmalku ay Soomaaliya ka caawindoonto, mashaariicda lagu horumarinayo wax soo saarka Beeraha, tayeeynta ciidanka booliiska iyo hagaajinta biyaha.

Ku simaha madaaxweynaha ahna gudoomiyaha baarlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo munaasabada hadal kooban ka jeediyay ayaa ka waramay xirirrka qotada dheer ee ka dhaxeeya Jarmalka iyo Soomaaliya.

Prof. “Jawaari” ayaa dowlada Jarmalka uga mahadceliyay taareerada ay markasta la garab taaganntahay Soomaaliya, wuxuuna ugu hambalyeeyay xuska midowga labada Jarmal iyo duminta derbigii Baarliin.

You must be logged in to post a comment Login