Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kulan lagula Tashanayo Bulshada Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu Qabtay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa maanta furay wajiga koowaad ee kulanka wadatashiga bulshada iyo dowladda oo ka dhacay xarunta degmada Xamar Jajab, waxaana kulanka kasoo qayb-galay, xubno ka mid ah golaha wasiirrada, maamulka gobolka Banaadir, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho iyo 125 waxgarad ah oo laga soo xulay afar degmo oo dhaca bartamaha Muqdisho.
Dadweynihii kulanka ka qaybgalay ayaa soo jeediyey hadalo iskugu jira dhiirri-gelin iyo bogaadin ku wajahan hawlaha xukuumaddu ay u hayso shacabkeeda, waxayna su’aalo ka weydiiyeen ra’iisul wasaaraha qorsheyaasha sugidda amniga iyo xasilinta dalka, iyagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqaynta ka dhaxaysa shacabka iyo laamaha amniga, taasoo sahalaysa in si wadajir ah looga hortago falalka amni-xumo ee la geysanayo.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ahna ku-simaha guddoomiyaha gobolka, Maxamed Aadan Guuleed (Caano-geel) ayaa soo dhaweeyay furitaanka wajiga koowaad ee kulankan, wuxuuna sheegay in wax badan uu ka bedeli doono kulankan xaaladda dalka.

Wasiirka dhallinyarada iyo isboortiga xukuumadda Soomaaliya, Khaalid Cumar Cali ayaa isna tilmaamay fikirka wada-tashiga bulshada iyo xukuumadda inuu soo hindisay ra’iisul wasaaraha, kadibna uu hor-keenay guddi-hoosaadyada arrimaha bulshada ee golaha wasiirrada, si tallada loo siiyo shacabka.

Cabdiwali Sheekh oo gabagabadii kulanka ka hadlay ayaa xusay in wada-tashiga shacabka iyo dowladda uu socon doono; isla markaana la gaarsiinayo guud ahaan degmooyinka gobolka Banaadir. Isagoo bulshada ka codsaday in hormuud ay ka noqdaan isbedel weyn oo ka dhaca Muqdisho.

“Kulankan wuxuu billow u yahay kulammo joogto noqon doona isla markaana dhexmari doona shacabka iyo dowladdooda, ujeedka aan ka leenahay waa in dowladda iyo dadkeedu wada-tashadaan, waxaa halkan jooga wasiirradii ka tirsanaa guddi-hoosaadka arrimaha bulshada oo toddobo ka kooban. Tallooyinkii aad soo jeediseen runtii waxay ahaayeen kuwo wax ku ool ah oo aanaan ka helin dad badan oo horay isku aragnay, waxaana idiin ballan-qaadaynaa in xukuumaddu qaadan doonto tallooyinka aad soo jeediseen ficilna u bedeli doonto,” ayuu yiri C/weli Sheekh.

Kulamada u dhexeeya xukuumadda iyo shacabka ayaa noqon doona kuwa si joogta ah uga dhaca degmooyinka gobolka Banaadir iyo gobollada dalka si shacabka iyo dowladdu u yeeshaan wada-shaqayn dhab ah.

– See more at: http://hiiraan.com/news/2014/Jun/wararka_maanta4-46878.htm#sthash.zjuemCQL.dpuf buy Kamagra Chewable online, generic Zoloft.

You must be logged in to post a comment Login