Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kullankii baarlamaanka ee oo warqad xasaasi ah loogu diray R/W CCC (Aqri)

Eriacta buy online, purchase dapoxetine.

 Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan arimo badan looga hadlay waxa ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Mudanayaasha maanta soo xaadiray kulanka ayaa tiradooda ahayd 167, waxaana shir gudoominaayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Ajandaha maanta ayaa waxaa ka mid ahaa Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka Hanti dhowrka guud ee Qaranka iyo qodobo kale.

Xildhibaanada ayaa aragti ka dhiibtay Hindisahaasi, waxaana sidoo kale mudanayaasha qaar ay dalbadeen in la sameeyo Gudiga La Dagaalanka Musuq Maasuqa.

Intaasi ka dib ayaa cod la geliyay in gudigaasi loo codeeyo in la sameeyo iyo in kale, waxaana codeyn ka dib la’isku raacay in gudigaan la sameeyo.

Dhanka kale waxaa xildhibaanada baarlamaanka qaar ay ku kala aragti duwanaadeen waqtiga la keenayo Baarlamaanka golaha wasiirada cusub ilaa ugu dambeyn la’isla ogolaaday in sidii hore loo qorsheeyay maalinta Sabtida ah ay noqoto Kalsooni siinta Wasiirada.

Halkaan Hoose Ka Akhriso Warqad Baarlamaanka u diray Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.

warqad cc 1warqad cc 2

You must be logged in to post a comment Login