Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kumanaan Katirsan Ciidanka Itoobiya Oo Ka Baxay Gobolka Bay iyo al shabaab oo Sheegay in Ay Isha Ku Hayaan Dhaq dhaqaaqooda.

Ciidamadii Ethiopia ee ku sugnaa Degmooyin ka tirsan Gobolka Bay oo ay ka mid tahay Baydhabo ayaa maanta bilaabay inay isaga baxaan fariisimo ay ku lahaayeen degmooyinkaas, iyagoo u baxaya dhinaca xuduuda ay wadaagaan Somalia iyo Ethiopia.
Saldhigyadii ay cidamada Ethiopia kaga sugnaayeen Baydhabo oo ay ka mid ahaayeen Warshada Xasey iyo Taliska 60-aad ee Milateriga Somalia ayaa la sheegay inay saakay ka ruuqaansadeen.
Degmooyinka Qanasax-dheere iyo Bardaale ayaa iyagana la sheegay inya ka baxayaan saldhigyadii ay ku lahaayeen, iyadoo saldhigyadaas si KMG ah ugu wareejiyay ciidamada DF ee degmooyinkaas ku sugan.
Goobjoogayaal ku sugan Baydhabo ayaa sheegaya in Fariisimihii ay ciidanka Ethiopia ka guureen ay la wareegayaan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo tan iyo sanadkii hore ka howlgalayay degmadaas.
“Ciidanka Itoobiya waxay ka baxeen garoonka diyuuradaha Baydhabo iyo xerada 60-aad ee dhacda hareeraha Baydhabo,goob joogayaal ayaa Somalinimo1.com u sheegay in ciidanka baxay ay wateen 30 gaadiidka Uuraalada ah iyo 20 taangi., waxaana tani ay qayb ka noqonaysaa qorshayaal ay Ethiopia ciidamadeeda ugala baxayso Somalia oo dhan.
Xukuumada Addis Ababa ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay inay ciidankeeda kala baxayso Somalia, gaar ahaan Gobolka Bay, halkaasoo ay Al-shabaab ka saareen [Feb, 2012], iyagoo sidoo kale horaantii sanadkan ka baxay Xudur oo ah xaurnta gobolka Bakool.
Qorshahan ay ciidamada Ethiopia uga baxayaan Gobolka Bay ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalin ka hor uu safar laba casho qaatay ku tagay degmada Baydhabo Ra’iisul Wasaaraha Somalia Saacid Faarax Shirdoon.

Saraakiil katirsan Xarakada Shabaab oo lahadlay warbaahingta ayaa sheegay in ay isha ku hayaan dhaq dhaqaaqa ciidanka Itoobiya islamarkaana ciidankoodu heegan kujiraan.

You must be logged in to post a comment Login