Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

La Dagaalanka Musuq maasuqa : Dhab mise Dhalanteed

Madxweyne Farmaajo iyo Raa��iisul Wasaare kheyre waxay ku dhawaaqeen in ay la dagaalamayaan musuq maasuqa, maamul ama xukun wanaagna la imaanayaan.
Waa arrin wanaagsan, laakiin sua��aalaha soo deg degaayo durbaba waa qaabkee loola dagaalamayaa? qaabkii loo marayaa hergelinta Xukun wanaagsan? Iyadoo aan ognahay in ay tahay ukuumadda in ay fuliso qorshaha la dagaalka musuq maasuqa iyo hergelinta xukun wanaaga.
Sua��aasha maanka muwadinka Soomaaliyeed ku soo deg degeyso waa: xukummadda maanta jirta ma fulin kartaa arrimahaan? Waa maya.waayo golaha xukuumadda hanaanka uu ku yimid ayaaba ah musuq maasuq, inta badan xubnaha barlamaanka waxay ku yimaadeen musuq maasuq. Inta nidaamka 4.5 la raacayo marka la dooraanaayo xildhibaanadda iyo wasiiraddaba, musuq maasuq lala ma dagaali karo waayo inta awooda dowladda heysaa intooda badan musuq maasuqa aye ku joogaan iyo nidaamka 4.5 oo ah aabaha musuq maasuqa.
Haddii aynaan bedelin hab dhaqanka siyaasadeed ee qabyaalada ku saleysan musuq maasuq ma dhamaanayo.
Haddii ay Madaxda sare ee dowlada dooneyso – oo ay dhab ka tahay la dagaalanka musuq maasuq – waa in ay jidka saxda ah u maraan.
Marka hore waa in qawaaniinta lagula dagaalami lahaa musuqmaasuqa la dejiyo lana ansaxiyo. Iyo guddigii fulin lahaa la aburo oo la siiyo awood ka madaxbanaan heya��adda fulinta si ay karti ugu yeeshaan in ay baari karaan heya��adda fulinta. Sidoo kale waa in la abuura ciidan boolis ah oo la dagaalanka musuqmaasuqa ku shaqo leh ka amar qaata guddigaan musuqmaasuq la dagaalanka.
Arrimahaan oo dhan lama sameyn karo haddii aan marka hore la qaban qodobada soo socda:
1. In dib u heshiisiin qaran oo dhab ah la qabtaa si looga gudbo kalsooni daradda Ummadda dhex taal, oo quudineysa nidaamka 4.5 .
2. In ku tiirsanaata ajnabiga dhanka amni sugidda laga baxaa. Micnaheed tahay in la soo af jaro joogista Amisom. Si arrinkaa loo fuliyana waa in la dhisaa ciidan Qaran oo hanta masuuliyada amniga qaranka.
3. In la abuuro qawaaniinta mudnaanta, si jagooyinka qaranka ay u noqdaan kuwo lagu gaaro mudnaan.
Caqliga saliimka ah ma ogolaan karo lagamana dhaadhicin karo iyadoo ay weli la raacayo hanaankii siyaasadeed ee Carte ku soo abuurmay ee 4.5, in musuuq maasuq lala dagaalamo. Nidaamkaan oo dhalay in cid walba wasiir ama xildhibaan noqon karto maadama uu reer ka soo jeedo, taas oo keentay in Golaha wasiirada Xukuumad walba a�� oo ah halka laga goa��aamiyo goa��aanda sare ee qaran saameynaayo – ay ku jiraan dad aan weligood meel aqoon lagu haya arag, in ay xildhibanadii qaran ee dejin lahaa sharuucda ay badankooda yihiin juhalo aan aqoon dowladnimadda , iyo inta Madaxda dowladda u madax banaaneyn xulashada xubnaha golahooda wasiirada oo wasiirka cid kale keensaneyso, inta ay jiraan dad Madaxtooyadaa iyo Madaxweynaha u meerinaayo sida dalka loo hagi lahaa kuwaas oo ku gaaray maqaamkaa in ay soo taakuleeyeen madaxweynaha xilligii uu tartamaayay. Inta xaalka sidaan yahay Musuq maasuq ma dhamaanayo. Soomaalida waxay tiraah a�? Hal booli ah Nirig Xalaal ah ma dhashoa�?
Naabad. Caano. Iyo Yegleelid Qaran Xor ah idim Allah.

You must be logged in to post a comment Login