Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Laba askeri oo ka tirsan Booliska Kenya oo Gaarisa lagu diley

Koox ku hubeysan Baastoolado ayaa maanta ku weeraray meel ku dhaw Suuqa aadka u mashquulka ah ee loo yaqaan Suuq Mugdi oo ku yaala magaalada Gaarisa ee dalka Kenya saddex nin oo ahaa Booliska qarsoon, kuwaas oo ku shaqeeya dharka dadka rayidka ah.

Laba kamid ah Booliska ayaa isla goobtii ku dhintey halka kan kalena uu soo gaarey dhaawac culus oo la gaarsiiyey isbitaalka. Marka weerarku dhacaayey ayaa la sheegay in Boolisku ku jireen baaritaan denbi, waxaa soo gaarey Suuq Mugdi ciidamo badan oo Boolis ah kuwaas oo baaritaan sameynaayey, waxaana a xireen jidadka suuqa soo gala

Waa dilkii u horeeyey ee ka dhaca Gaarsia tan iyo doorashadii Madaxweynaha ee horeentii Maarso 2013 ka dhacay.

Horey dilal aad u badan ayaa ka dhacay magaalada Gaarisa kuwaas oo aan cidna loo qaban isla markaana aysan jirin cid sheegatey dilkaas.

You must be logged in to post a comment Login