Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Laba qof oo galabta lagu dilay xeryaha qaxootiga Dhadhaab

Laba qof oo rayid ah ayaa gabaldhicii maanta lagu dilay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Wariyaha nooga soo warama xeryaha Dhadhaab Axmed Nuur Maxamed Cabdulahi (Yogol) ayaa kusoo waramaya in xerada qaxootiga Dhagaxleey oo ka tirsan xeryaha Dhadhaab galabta lagu dilay laba qofood oo rayid ah.

Labadan qof ee la dilay ayaa la tilmaamay in mid ka mid ah uu ahaa gudoomiyii hore xerada Dhagaxleey, dilkaasi ayaa la sheegay iney fuliyeen kooxo hubeysan.

Kooxihii falkaasi geystay ayaa goobta ka baxsaday, lamina garan ciddi ay ahaayeen, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.

Dad badan ayaa rumeysan in dilkaasi ay ka dambeeyeen malleeshiyaadka Al-shabaab oo looga bartay falalka noocan oo kale ah. Malegra FXT no rx, buy lioresal online.

You must be logged in to post a comment Login