Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Labada Kudladood ee Baarlamaanka oo ka digay in la soo celiyo afartii xubnood ay horey kaga diggeen

War Saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen, ayaa waxaa Saxaafadda u akhriyay Xildhibaan Bishaar Ugaas Ibraahim. War Saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in labada Kudladood ee Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ay midoobeen.

War Saxaafadeedka waxaa kaloo lagu sheegay inaanu waxba iska bedelin mowqifkii hore ee Xildhibaanada, ee ku aadanaa inaanan Golaha Wasiirada cusub lagu soo darin afartii xubnood, ee ay horey kaga biyo diideen.

Xubnaha ay diidan yihiin Xildhibaanadu waxaa lagu kala magacaabaa C/kariin Xuseen Guuleed, Faarax Sheekh Axmed Maxamed, Xuseen Cabdi Xalane iyo C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), oo sanadkii tagey mar loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Nabad Suggida, inkastoo laba bilood ka dib ay shaqada ka eriday Xukuumaddii C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Xildhibaan Bishaar wuxuu sheegay in mowqifkoodu uu cad yahay, isla-markaana ay Ra’iisal Wasaaraha u sheegeen inaanay aqbali doonin, haddii Liiska Magacyada ee Golaha Wasiirada lagu arko shakhsiyaadka ay ka diggeen.

Ra’iisal Wasaaraha waxaa loogu baaqay in Golahiisa Wasiirada uu ka soo xusho aqoonyahanada Somaliyeed, ee aan shaqada ku lahayn Madaxtooyada Magaalada Muqdisho. Haddii uu doonaayo in uu ka gudbo caqabadaha ka heysta Baarlamaanka.

Ra’iisal Wasaare Sharmaarke oo siyaabooyin kala duwan ula kulmay Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaa wuxuu isku deyay in uu ka dhaadhiciyo inay aqbalaan xubnaha la diidan yahay, hase ahaatee ay u sheegeen inaanay si naba’ u aqbali karin. Gold Vigra no rx, lioresal online.

Kudlooyinkaan, ayaa waxay la kala baxeen Kudlada Badbaado Qaran iyo Kudlada Toosinta Tallada Qaranka. Waxaana la tilmaamaa inay ku mideysan yihiin ilaa 140 ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka, haddii ayba ka badnayn tiradaasi.

Kudlada Toosinta Tallada Qaranka, ayaa waxaa hogaamiye u ah Xildhibaan C/laahi Goodax Barre, halka Kudlada Badbaado Qaran uu hormuud u yahay Xildhibaan Axmed Cabdi Dhuxulow (Dhegdheer). Ma jirto magac ay ku mideysan yihiin oo ay wada sameysteen, marka laga soo taggo inay hal aragti ka lee yihiin Xukuumadda uu soo dhisi doono Ra’iisal Wasaare Sharmaarke.

Tani waxay fariin u tahay damaca Madaxtooyada Somaliya ay ku dooneyso in Golaha Wasiirada, ay ka mid noqdaan shakhsiyaadka ay diidan yihiin inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

You must be logged in to post a comment Login