Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

M.weynaha Puntland Oo Khudbadiisii Ciida Maanta inteedii badnayd Al-shabaab ku weeraray.

where can i buy clomid online, buy zithromax online.
Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Magaalada Garoowe ee Caasimada dowladda Puntland gaar ahaan Garoonka Kubadda Cagta kula tukaday Salaadii Ciidul Adxaa Kumanaan Dadweyne ah .

Tukashada Salaada Ciida ayaa waxaa sidookale Goob joog ahaa Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay ,Wasiiro , gudoomiyaha Baarlamaanka, Waxgarad ,isimo , Cuqaal, iyo dadweyne Badan .

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Tukashada Salaada Ciida kahor lahadlay Dadwaynihii ku sugnaa Goobta,waxana uu u Hambalyeeyay dhamaan Umadda Muslimiinta ah meelkasta oo ay joogan.

”Waxaan leeyahay Ciid Wanaagsan Umadda Muslimiinta ah,Umadda Puntland iyo Dhamaan Umadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxaan leeyahay Ciid Mubaarak”Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

”Ilaahay waxaan inooga baryayaa in ciidaan ciideeda kale uu nagu gaarsiiyo Nabad,Horumar,Wadajir iyo Alle kacabsi,waxana ilaahay ka rajaynayaa in uu noo aqbalo ”Ayuu hadalka raaciyay Madaxwayne Cabdiwali Gaas.

”Ciidanka Puntland meelkasta oo ay joogaan waxaan ku bogaadinaya Guulihii wanaagsanaa ee ay ka soo hoyeen la dagaalanka Burcad diimeedka xalaalaystay dhiiga dadka Muslimiinta ah aad iyo aad ayaanu uga mahadnaqaynaa Ciidankayaga ”Ayuu yiri Madaxwayne Gaas .

”Shacabka Puntland Meelkasta oo ay joogaan waxay abaal u hayaan ciidamadeena oo runtii guulo la taaban karo oo wax ku ool ah ka soo hooyey ladagaalanka Burcad diimeedkaasi ”Ayuu Yiri Madaxwayne Cabdiweli Gaas”.

Dhalinyarada lamarin Habaabiyay ayaa Madaxwayne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ugu dambeyn ugu baaqay in Cafiska uu ufideyey ay ka faa’iidaystaan iyagoo og in waxa ay u dagaalamayaan aysan ahayn diin.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland

You must be logged in to post a comment Login