Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ma dhab baa mise waa nifaaq(munaafaqnimo) warkaan?

Iyadoo labadii maalmood ee la soo dhaafay Warar Kulul dhinaca saxaafadda ay isu marinayeen Maamulka Puntland iyo Xildhibaano la sheegay in Mooshin ay ka diyaarinayaan Xukuumadda saacid ayaa manta War ka soo baxay Xafiiska madaxweynaha maamulka pontland waxaa baaq loogu diray Xildhibaanada Barlamaanka federaalka Soomaaliya.

Warkan qoraalka ayaa ugu horeynba sheegay in ay jiraan xildhibaano isku shuqlinaya mooshin ka soo gudbinta xukuumadda uu ra’iisdul wasaaraha ka yahay Cabdi Faarax Shirddoon.

Warkan ka soo baxay Xafiiska Faroole ayaa ugu baaqay Xildhibaanada barlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay isku hawlaan wax kam qabashada arrimaha nabad gelyada. Dastuurka ku meel gaarka iyo Nabadda iyo soo celinteeda intii ay isku mashquulin lahaayeen mooshin ay ka keenayaan Xukuumadda.

Warkan qoraalka ah ee manta ka soo baxay Xafiiska Faroole ayaa si gaar ah u xusay xildhibaanada wada mooshinkaas iyadoona loogu baaqay in ay ka tanasulaan isla markaana ay ka shaqeeyaan arrimaha dalka lagu hor marinayo halkii ay ka abuuri lahaayeen is qab qabsigii u dhaxeeyay Barlamaankii iyo Xukuumaddii ku meel gaarka ahayd.

Dhawaan ayay ahayd markii xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ugu jawaabeen Maamulka Puntland inuu faraha kala baxo arrimaha Barlamaanka Federaalka.

Si kastaba hadaladan war baahinta la isu marinayo ayaa waxa ay u muuqanaysaa mid mar kale horseedi karta muran soo kala dhex gala maamulka Pontland iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login