Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

MAALIN WALBA WAX CUSUB AYAAD ARKAYSA

MAALIN WALBA WAX CUSUB AYAAD ARKAYSA
Anigoo yar oo ku nool ayaan jigjiga ayaan maalin ciid ah galay (Cenima) Shaneemo filin hindi ah ayaa ka socday aad ayaan ula yaabanaa, ka dibna xamar ayaa uguurnay xaafadda Waabari halkaas oo aankaga dhargay aflaamtii Hindiga Shanemo Somalia ilaa aan bartay kuwii la odhan jiray aganti oo aftalyaani lagu soo tarjumi jiray waxaan ka dibna aflaamtii karateega aakhirkiina aflaamtii kartoonka anigoo isleh wax filin ah oo kuu dhiman ma jiro ayaa waxaa soo baxay aflaamta loo yaqaano 3D taas oo aad arkaysid dadkii matalaayey oo la moodo ama u egba wax la taaban karo, anigoo aad ula yaaban ayaa waxaa soo baxay aflaamta 4DX kuwaas oo aad moodi inaad dadka wax matalaya la nooshahay, oo haduu roob ku soo da’o adigana wuu kugu di’e oo roobkaas waad dhex joogtaa Barafuunka ay isku soo shubaanna wuu kuu soo urayaa ama carfayaa, sidoo kale.Cuntadooda waad urin bus markay raacaan baska adiguna waad la saaran tahay oo marba dhankay uliicaan ayaad ula liici Adduunyada nin noolow maxaa aragti kuu laaban

You must be logged in to post a comment Login