Maalinta SYL la aasaasay maxaad ka taqaana?

Filed under: English news,Wararka,Warbixino |

Munaasabadda 15ka May awgeed waxaan jeclaystay inaan si hordhac ah idiinla wadaago Qormadaan sida fiican noogu ifineysa Aasaaskii Ururkii SYL

MAXAAD KA TAQAANA AASAASKII URURKII SYL

Maanta waxay Ummada Soomaaliyeed u tahay maalin qiimo weyn ugu fadhidaa, isla markaana kaalin weyn ku leh dhalashadii iyo hanasahadii xoriyada ummada Soomaaliyeed ay hanatey sanadkii 1960-kii.
Halgankii ummadda Soomaaliyeed uu hogaanka u soo hayay xisibgii SYL iyo qaar ka mid ah halgamayaashii dalka u soo halgamay waxay aheyd talaabo loo qaaday dhanka sidii la isaga qaadi lahaa heeryadii guumaysiga isla markaana ummada Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa xoriyad taam ah.
Dad badan oo Soomaaliyeed ayey suurtagal tahay inaanay maanta la socon inay tahay maalin quluubta shacabka Soomaaliyeed kaga taal meel muhiim ah, isla markaana taariikhda Dalka Soomaaliyeed ka gashey baal dahab.
Waxaa sidoo kale si buuxda u soo baxdey inay jiraan dad badan aan fahmansaneyn qiimaha ay leedahay xorimada iyo in dad waliba uu yeesho calan iyo dawlad caalamka laga aqoonsan yahay.
Xoriyadii ummada Soomaaliyeed ay hanatey sanadkii 1960-kii waxaa loo marey halgan aad u dheer oo dhiig badani ku qabtey, isla markaana halgamayaal fara badani ay maalmooda iyo naftooda u hureen, si ummada Soomaaliyeed ay u helaan xornimo, iyadoo xiligaasi ay aheyd xili ay qaaradan Afrika ay si weyn ug halgamaysay xoriyada iyo inay iska qaado heeryadii guumaysatayaashii reer Yurub.
Xiligaasi waxaa qaarada Afrika ka shidnaa shulcad loogu magacdaray “Kacdoonkii Xoriyada ee Afrika” shulcadaasi guumaysi diidka ee ifaysay Soomaaliyana waxay qayb ka aheyd ummadihii kale ee Qaarada madow ee halganka ugu jirey hanashada xoriyada.
Maanta oo kale 15-kii May 1943 waxaa u suurta gashey 13 dhalinyaro Soomaaliyeed ah inay dhibada u taagan xisbigii la magac baxay SYC (Somali Youth Club ) ama ururuka dhalinyarada Soomaaliyeed, kaasi oo markii dambe u xuubsiibtey ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL (Somali Youth League), sanadkii 1947-kii bishii May maanta oo kale ayaa ururka SYL si rasmi ah magacaasi u qaatey .
Xiligaasi waxaa ururka dhisey 13 dhalinayaro ah kuwaasi oo kala ahaa
1. C/qaadir Sheekh Saqaawadiin. Waxa uu ku dhashay Degmada Tiyeeglow ee ka tirsan Gobolka Bakool sanadku markuu ahaa 1919kii. ( xiligaasi wuxu jitey 24 sano.
2. Max’ed Xirsi Nuur (Siidii), waxa uu ku dhashay Magaalaa Mareeg oo ka tirsan Gobolka Galguduud sanadku markuu ahaa 1915kii, xiligaasi wuxuu jirey 28 sano.
3. Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke , waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo oo ka tirsan Gobolka Mudug sanadkii 1917kii (xiligaasi wuxuu jirey 26 sano
4. Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1917kii (xiligaasi wuxuu jirey 26 sano)
5. Cismaan Geedi Raage, waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1925kii (xiligaasi wuxuu jirey 18 sano)
6. Dheere Xaaji Dheere. Waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1926kii Xiligaasi wuxuu jirey 17 sano
7. Daahir Xaaji Cusmaan. Waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug sanadkii 1925kii (xiligaasi wuxuu jirey 18 sano ah)
8. Cali Xasan Maslax waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug sanadkii 1927kii (xiligaasi wuxuu jirey 24 sano )
9. Maxamed Cali Nuur, waxa uu ku dhashay Degmada Shangaani oo ka tirsan Gobolka Banaadir, sanadkii 1927kii (xiligaas wuxuu jirey 16 sano)
10. Maxamed Faarax Hilowle waxa uu ku dhashay Mareeg oo ka tirsan Gobolka Galgaduud sanadkii 1925kii xiligaasi wuxuu jirey 18 sano.
11. Xaaji Maxamed C/llaahi (Xayeesi), Waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1918kii(xiligaasi wuxuu jirey 25 sano)
12. Huudoow Macallin Cabdulle waxa uu ku dhashay Mareerey oo ka tirsan Gobolka Sh/Hoose sanadkii 1926kii (xiligaasi wuxuu jirey 17 sano)
13. Maxamed Cusmaan Baarbe waxa uu ku dhashay Baardheere oo ka tirsan Gobolka Gedo sanadkii 1910kii(xiligaasi wuxuu jirey 33 sano)
Waxaa ururkii SYL sanadkaasi xoghaye loo doortey Cabdulaahi Ciise Max’uud oo isugu ahaa ra’isalwasaarihii xukuumadii daakhaliga aheyd ee ka horeysay xiligii gobanimada la qaatey.
Ururka SYL wuxuu shaaca ka qaadey qorshihihiisii siyaasadeed waxaana uu sheegay in u taagan yahay xornimo gaarsiinta Ummada Soomaaliyeed, iyadoo xiligaasi Soomaaliya ay u qaybsaneyd 5 gobol oo gacanta ay ku hayeen guumaystayaashii reer Yurub.
SYL waxay shidey iftiin gobanimo doon ah waxaana hoosta ay ka xariiqdey in ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto inay hesho gobanimo taam ah, isla markaana la helaa Soomaali weyn.
Dhallinyaraasi SYL waxaa xiligaasi u suurtagashey in ay mideeyaan shacabka Soomaaliyeed si looga hor tago gumeysiga , iyaga oo aaminsanaa haddii la helo midnimo laga guuleysan doono gumeysiga isla markaasina waxaa quluubtooddii ku weyneyd waddaniyadda oo ay wax walba ay ka hormsiin jireen si ay u gaaraan ujeeddooyinkoodda ku xusnaa dastuurka xisbiga SYL oo ahayd in shacabka Soomaaliyeed la gaarsiyo xornimo taam ah iyo in la helo Soomaaliyeed weyn.
Xisbigii SYL waxaa la soo gudboonaadey turaanturooyin badan iyo hagardaamooyin badan oo la doonayey in lagu wiiqo ujeedooyinkooda gobanimo doon, waxaana ay taasi kaga gudbeen isku duubni, hal adeyg, aqoon, iyo dadaal kasta oo ay ku gaari karaan inay ku mideeyaan shacabka Soomaaliyeed.
Inkastoo badi dadkii Soomaaliyeed ay xiligaasi si weyn ugu bisleyn qiimaha xornimada, laakin waxaa quluubtooda arintaasi ku shubey xisbigii SYL oo si weyn ugu dadaalay in Soomaalida laga dhaadhiciyo qiimaha xornimada.
Intii uu socdey halgankii SYL ee ay hormoodka ka ahaayeen baadi goobta xornimada ummada Soomaaliyeed waxaa jirey dad tiro yar oo Soomaali ah oo la dhacsanaa ku hoos jirka heeryada guumaystaha, waxaana dadkaasi ay ku xirnaayeen nidaamkii guumaystaha Talyaaniga.
Dadkaasi guumaysi kalkaalka ahaa waxay qaarkood ku biireen xisbigii SYL si ay u kala dhantaalaan orodkii ama ruclihii loogu jirey xornimo gaarsiinta ummada Soomaaliyeed.
Cali Xuseen oo ahaa ninkii Xisbihii SYL u qaabilsanaa dhanka suugaanta wuxuu gabayadii uu tiriyey ku muujin jirey inay SYL ay ka mid yihiin dad doonaya in ay jilbaha qabtaan dadaalka xisbiga. waana halka ay murti Soomaaliyeed ka tiri “Baadida nin baa kula day dayi oo doonayen daa’in abidkaa inaad hesho”.
Sidoo kale Axmed Xaaji Suleymaan oo dhanka qoraalada u qaabilsanaa xisbiga ayaa mar uu ka hadley shir ay lahaayeen golihii xisbigii SYL wuxuu ku sheegay in xisbiga ay ka mid yihiin dad diidan in xisbiga ku guuleysto ujeedooyinkiisa.
Si kastaba ha ahaatee waxaan shaki ku jirin in xisbigii SYL uu kaalinta ugu balaaran ku lahaa hanashadii xornimada ummada Soomaaliyeed ee la hantey sanadkii 1960-kii, inkastoo ujeedooyinkii dhalinyaradii 13-ka ahaa ee SYL aan wali la gaarin 50 sano ka dib, tiiyoo waliba ay meesha ku jirto in labadii gobo lee Koonfur iyo Waqooyi ee xornimada qaatey 1960-kii ay hada Goboladii waqooyi sheeganayaan inay yihiin dawlad madaxbanaan.
Halka gobolkii Koonfureed uu yahay mid ay la degeen dagaalo mudo 20 sano ka badan ka aloosnaa gobolada dalka, tiiyoo ay u sii dheer tahay in maanta ay halis ku jirto midnimadii guud ee gobolkaasi, maadama ay soo baxeen maamulo u muuqanaya kuwa aan u hiilineyn riyadii SYL.
SYL sidee ku aasaasantey ?
Horaantii sanadkii 1943-kii ayaa waxaa sheekaystey sida ay taariikhyahano ii sheegeen C/qaadir Sheekh Sakhaawadiin iyo Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmark oo rag saaxiibo ah oo si weyn isugu xirnaa, islana socon jirey mar kasta, waxay kawahadleen sidii ummada Soomaaliyeed uga bixi laheyd nidaamkii guumaysiga.
Labadaas nin ee dhalinyarada ahaa waxay midba uu jirey 24 iyo 26 sano waxay mudo ka sheekaysanayeen sidii bal guumaystaha looga xoroobi lahaa, waxaana C/qadir Sheekh Sakhaawadiin uu soo jeediyey fikir ahaa in la aasaaso xibsi Siyaasi ah Oo Matala Shacbiga Soomaaliyeed oo dhan isla markaana meesha ka saara guumaysiga, laakin Yaasin Xaaji Cismaan ayaa wuxuu soo jeediyey fikir kale oo ahaa in xisbiga laga dhigo mid islaami ah gumeysiga meesha ka saara, waxaana la qaatay fikirkii uu soo jeediyey C/Qaadir Sheekh Sakhaawudiin.
Ka dib wahadaladii labada nine e dhalinyarada ah waxaa ku soo biirey dhalinyaro kale waxaana la isku raacay in la dhiso golle ama naadi dhalinyaro oo ay isku bartaan dhalinyarada, islamarkaana dhalinyaradu wax isku baraan, iyadoo la baranayo Luuqada Ingiriiska oo xiligaasi aheyd mid ku cusbeyd gobolada Koonfureed.
Kulankaasi dhalinyaradu waxay isla garteen in la dhiso golle dhalinyaro inta laga gaarayo waqti ku haboon in la dhiso xisbi siyaasi ah, waxaana la dhisey golaha dhalinyarada Soomaaliyeed SYC (Somali Youth Club), waxaana xiligaasi ay aheyd 15-kii May 1943-kii.
Kulankii ugu dambeeyay ee ay yeesheen aasaasayaasha xisbigaas waxay isku raaceen 3 Qodob oo kala ah:-
In xukuumadda Ingriiska ee dalka heysata loo qoro codsi ay ku doonayaa in ay furtaan Naadi la yiraahdo SYC (Somali Youth Club) oo dhalinyarada ku kulanto.
In la kireeyo Guri u qalma howlaha dhalinyarada ee lagama maarmaanka u ah soona jiidan kara dhalinyarada.
In la dejiyo barnaamij ku meel gaar ah oo dabooli kara qorshaha shaqo ee loo baahanyahay lagama-maarmaana u ah howlaha dhaliyarada.
Markii ay qoreen codsigii ayay 13 kii dhalinyaro waxay tageen xafiiskii xaakimkii isticmaarka ee Ingriiska u fadhiyay Muqdisho waxyna u gudbiyeen codsigoodii, iyadoo qaar ka mid ah dhalintaas ay qabeen in fekerkooda guuleysan doono halka qaarna ay qabeen in ay xarig muteysan doonaan iskaba daa in codsigoodu u hirgalo,laakiin wuxuu ugu jawaabay oraahdii caanka baxday ee aheyd:-
“Waxaad ka koobantihiin dhalinyardiina qabiilo kala duwan waxaana hubaal ah in aadan kuwa hishiin Karin feker iyo ra’yi toona, aniga waxaan idiin arkaa dhurwaayo iyo ari xero lagu wada xareeyay, sideed naadi ugu hishiin kartaan khilaaf la’aan..”
Hase yeeshee, dhalintii 13ka aheyd oo aan hadal kulul ku celin karin madaxa mustacmaradda ayaa ugu jawaabay “Hadalkaaga waxaan ka dhiganeynaa cashar aan ka faa’iideysano,waxaana barbaarin doonnaa Dhurwaayada, si aysan ariga u cunin,mana fogaan doonto in aad aragto anagoo ku wada nool Naadiga oo aan wax muran iyo khilaaf uusan ka dhex jirin”.
Maalmo ayay jawaab ka sugayeen ka dibna waxaa la soo gaarsiiyay warqad lagu xusay in Ingriisku uu hadda ku jiro dagaal uusanna u baahneyn in siyaasadda la farageliyo, balse loo ogolaaday in ay furtaan naadi dhalinta ay ku kulmaan waxna ku bartaan.
Kulankii ugu horeeyayba waxay iska dhex doorteen madaxdii hoggamin laheyd naadiga C/qaadir Sheekh Sakhaawadiin ayay guddoomiye u doorteen maadaama uu fekerka aas aaska naadigaasi uu asaga lahaaa halka Xaaji Maxamed Xuseen iyo Maxamed Xirsi Nuur(Siidii) loo doortay ku xigeeno iyadoo Yaasiin Xaaji Cusmaana loo doortay Xoghaye.
Xisbiga oo ujeedadiisa fog ay aheyd ka xoreynta dalka gumeystaha ku soo duulay ayaa wuxuu ka dhigtay talabadiisii ugu horeysay ee uu qaado la dagaalanka qabyaaladaa iyo midab kala sooca.
Laga soo bilaabo sanadkii 1943-kii waxaa Xisbiga SYL laga furay gobollada dalka Soomaaliya oo idil, waxaana sii kordhay taageerada uu helayo taasi oo aheyd mid ay u dhan yihiin Ummada Soomaaliyeed sida qaybaha Odayaasha, Culima’udiinka, dhalinyarada, Haweenka, & Ganacsatada.
Bishii Maajo 1947 ayaa waxaa la go’aansaday in isbeddel lagu sameeyo magaca Xisbiga, lana muujiyo awoodiisa, sababahaan soo socda awgood:
.Xisbiga oo xidideeystey oo shacabka dhexdiisa ka kasbaday kalsooni aan la loodin Karin.
.
.Damaca gumeeystayaasha Ingiriiska oo ka dhawaajiyey inuu rabo in Soomaaliya oo idil loo dhiibo iyo Talyaaniga oo u xusulduubayey in la soo celiyo maamulkiisii.
.Axsaab Soomaali ah oo ku saleeysan hab qabiil, gacansaarna la leh quwadaha shisheeyaha oo Xisbiga laga horkeenay.
FG, DM Adigaa Gobonimada Dalka Hormuud u Ahaa ee laakiin Maanta Waxaad Jiiftaa hurdo Aan Weligeedba La Hurdin Ee Jiifka Ka Kac

Qore, Dr.Cabdullaaahi Ibraahim “Amaandhorey”
Switzerland

Posted by on May 14, 2017. Filed under English news, Wararka, Warbixino. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply