Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamul cusub oo loo magacaabay Baardheere

February 13, 2019 90 Views

Baardheere–Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan oo ku sugan degmada Baardheere ayaa maanta waxaa uu Gudoomiye u magacaabay degmadaasi.

Guddoomiyaha degmada Baardheere ayaa loo magcaabay isla Guddoomiyahii hore Cabdullaahi Nuur Xassan Caddow, halka ku xigeenkana loo magcaabay Ismaaciil Sheekh Qorrax Koofi, waxaa jira xubno cusub oo lagu daray maamulka waana xubnaha hoose.

Ka dib kulan ay isugu yimaadeen Waxgaradka iyo Odayasha Dhaqanka beelaha kale duwan ee deegaanka ayuu Madaxweyne ku-xigeenku, wuxuu qaatay in isla maamulkii hore dib loo magcaabo si ay dardargeliyaan shaqooyinka qabyada ah ee u yaalla.

Warqadda magcaabista oo kasoo baxday xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Dowlad-gobaleedka Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan ayaa waxaa warbaahinta u akhriyey Agaasimaha waaxda qorshaynta ee madaxtooyada Jubaland Cabdicasiis Maxamed Xasan Ilkacase.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii muddooyinki dambe uu jiray khilaaf qaatay muddo islamarkana ka dhashay is-qab-qabsi la xiriira maamulka degmada Baardheere ee Gobalka Gedo.

You must be logged in to post a comment Login