Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dowlada Somaliya oo maamul magacaawday Degmooyin katirsan Galguduud

wasiirka arimha gudaha Soomaaliya ayaa maanta magacaabay maamulada degmooyin katirsan gobalka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Cabidkariim Xuseeen Guuleed, Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya, ayaa waxa uu dikareeto uu kasoo saaray xafiiskiisa ku magacaabay maamulka degmada Caabudwaaq ee gobalka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya, kadib markii R/wasaare Saacid uu kala diray maamulkii hore.

Wareegtadaan oo saxaafada uu u aqriyay Xildhibaan Mahad oo kamid ah xildhibaanada lasocda R/wasaaraha Soomaaliya ayaa masuuliyiintii lagu magacaabay waxaa kamid ahaa Axmad Jaamac Cabdi oo loo magacaabay Gudoomiyaha degmada Caabudwaaq iyo ku xigeenkiisana oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Risaaq.

Nin lagu magacaabo Daahir Maxamed xirsi ayaa isna waxaa loo magacaabay sarkaalka dowlada Hoose u qaabishaan doona degmada Caabudwaaq ee gobalka Galguduud.

Wareegtadaan oo soo baxday saacado uun kadib markii lakala diray maamulkii hore ee Caabduwaaq ayaa waxa ay noqoneysaa tii ugu horeysay ee maamul loogu magacaabo qeybo kamid ah gobalka Galguduud.

magacyada masuuliyiinta lamagacabay oo dhameestiran iyo masuuliyiin kale oo iyana lamagacaabay dhawaan ayaan soo gudbin doonnaa Insha Allah

You must be logged in to post a comment Login