Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamulada Jubaland iyo Koonfur-Galbeed oo ku heshiyay in ay …..

Zenegra without prescription, lioresal without prescription. Maamulada Koofur galbeed iyo Jubbaland ayaa la sheegayaa inay iska kaashanayaan La dagaalanka Maleeshiyaadka Alshabaab.

Arrintaani ayaa waxaa warbaahinta u sheegay Xasan Cabdi oo ah Wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed, waxa uuna sheegay in labada maamul ay isla meeldhigeen wadashaqeyn dhexmarta, isagoona farta ku goday in dhamaan laamaha ammaanka Gobolka Koofur galbeed ay abood buuxda u yeelan karaan inay Kismaayo ka fuliyaan howlo lagu soo qabanaayo haddii ay jiraan shaqsiyaad taarged u ah Mamaulka.

Waxa uu sidoo kale sheegay wasiirka in Labada dhinac heshiiskii ay ku gaareen magaalada Kismaayo laga sugayo in la dhaqan geliyo, islamarkaana sida ugu macquulsan ay isku kaashadaan.

“Wax walba oo amaanka ku saabsan waa la’iska kaashan doonaa, la dagaalanka Al-shabaab, tababarka ciidamada, ganacsiga iyo arimo kale oo heshiiska madaxweynayaasha ku qornaa, waxaynu nahay Laba maamul oo deris ah, waana in aynu balaarinaa iskaashiga dhexdeena ah”

Dhanka kale, Booqasho Seddax maalin qaadatay waxaa magaalada Kismaayo ku tagay hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, waxaana dhigiisa maamulka Jubba ay kasoo wada shireen arimo u badan iskaashi.

You must be logged in to post a comment Login