Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamulka Ahlu-suna: Kama aynaan Hor Imaan Maamulka Loo dhisayo Gobollada Dhexe

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee gobalka Gal-gaduud ayaa sheegay in marnaba aanay kasoo horjeedin maamul loo sameeyo gobalada dhexe, gaar ahaan Mudug iyo Gal-gaduud.

Gudoomiyaha golaha Talada Ahlu-sunna Waljameeca Sheekh Cumar Sheekh Cabdiqaadir oo la Hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in iyagu ay mar hore dalbadeen in maamulkaan la sameeyo, islamarkaana aanay garaneyn sabab ay hadda ku diidaan.

Waxa uu sheegay in dhankooda kaalin weyn ay ku leeyihiin, islamarkaana ay aad u jecelyihiin Soomaalida inay wax sameystaan, balse lagala tashto wax walba maamulada halkaasi ka jira.

Gudoomiyaha ayaa banaanka soo dhigay aragtida Ahlu-sunna ee ku aadan halka shirka lagu qabanayo, maadaama maalmihii ugu dambeeyay ay taasi dood ka taagneed.

“Dadku hadii ay wax ka dhaxeeyaan, wax waa la’isku qabtaa waana laga hadlaa, laakiinse wax walba waxay dhamaadaan markii go’aan la qaato waxna la’isla meel dhigo, aniga kuuma sheegayo wax la’isla meel dhigay, laakiin aniga sidaas ayaan rabaa oo wixii aan jeclahay hadii aan la yeelin waxba majiraanna aduunyada kama socoto oo waa waxa Soomaali qaribay, marka arintaasi wada hadal ayeey ku jirtaa, aniga shaqsiyan uma arko in meesha shirka lagu qabanyo ay dhibka tahay, wax walba waa meeshii la’isku raaco geed hoostiisba ha ahaatee” ayuu yiri Sheekh Cumar Sheekh Cabdiqaadir.

Dhanka kale waxa uu soo hadal qaaday arimaha ku aadan amaanka halka shirka lagu qaban doono, waxaana uu tilmaamay in iyaga taasi codsadeen oo ay ka adag yihiin sugidda amniga, ayna codsigaasi u jeediyeen dowladda Federaalka, waxaana uu tilmaamay in weli wax jawaab ah arintaasi aan laga siin.

nolvadex where to buy, Zoloft reviews.

Degmada Cadaado ayaa la filayaa in dhawaanuu ka furmo shir balaaran oo la doonayo in maamul loogu sameeyo gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.

You must be logged in to post a comment Login