Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamulka Galmudug oo ka hadlay kormeero ay….

Maamulka gobolka Mudug ee maamul goboleedka Galmudug ayaa sharaxaad ka bixiyay safaro ay ku tageen deegaano ka tirsan gobolka Mudug iyo waxyaabihii ay kala soo kulmeen safarkooda.

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug Aweys Cali Saciid ayaa sheegay in u kuurgalayeen xaalada dhanka abaaraha ee ka jiray degmooyinka gobolkaasi Mudug iyo sida ay u shaqeeyaan maamulada kala duwan ee degmooyinka Mudug.

Gudoomiye Aweys Cali Saciid ayaa sidoo kale sheegay inay soo indho-indheeyeen sidii loo xalin lahaa khalaaso yaryar oo ka taagna degmooyin ka tirsan gobolka, isagoo sheegay inay ku guuleysteen safarkooda.

Gudoomiyaha ayaa ka hadlay xiriirka kala dhaxeeya maamulka Puntland ee gobolka Mudug, isagoo sheegay inay dhacaan mararka qaarkii isku dhacyo dhexmaraya dadka reer miyiga ah eek u dhaqan gobolkaasi.

Wuxuuna sheegay in la sameeyay ciidamo isku dhaf ah oo ka kala tirsan maamulada Galmudug iyo Puntland, iyagoo si wadajir ah iskula shaqeeya, sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug. Kamagra Jelly buy online, acquire Zoloft.

You must be logged in to post a comment Login