Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamulka Galmudug oo soo dhaweeyay cunaqabateyntii hubka ee Somaliya laga qaaday

Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug State ayaa war kasoo saartay go’aankii ay golaha amaanka ee QM ay cunaqabataynta hubka kaga qaadeen Soomaaliya.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Galmudug Axmed Maxamud Xasan Baasto ayaa soo dhaweeyay Qaadista Cunaqabataynta Hubka Dalka Soomaaliya mudo 22sano kadib markii ugu horeysay maanta.Xili u saxaafada kula hadlay magaalada gaalkcyo
Axmed Baasto ayaa tilmaamay in haatan loo bahan yahay arinkaan si loo helo Ciidamo awood u leh dib u soo celinta Nabad galyada iyo hormarkii Dalka Xili ka jiray, Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa si qoto dheer ugu sheekeeyay Xiligii Dawladii dhexe ee dalka ka jirtay, wuxuna hoosta ka xariiqay in hormar fiican lagu tilaabsaday hase ahaatee wax walba gaadaal ay ka xumaadeen kadib markii kalsooni daro ka dhex dhacday Umada Soomaaliyeed.

Soo dhaweynta maamulka galmudug ee Cunaqabataynta Hubka Soomaaliya laga qaaday ayaa imaaneysa xili dhawaan ay si cad uga soo hor jeesteen maamul goboleedyada Somaliland iyo puntland.

You must be logged in to post a comment Login