Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamulka Gobolka Benaadir oo xarigga ka jaray suuqa Ansalooti oo dayactir lagu sameeyay  

 

order paroxetine online cheap, cheap dapoxetine. sawir hore

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Benaadir ee dhanka Siyaasadda Maxamed Aadan Guuleed “Caano geel” oo ay wehliyaan qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka ayaa maanta xariga ka jaray suuqa Ansalooti ee degmada Xamar Jajab, halkaasi oo dib u dayactir lagu sameeyay.

Munaasabad kooban oo ku saabsan dib u howlgelinta suuqa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada, kuwaasi oo ku soo kormeeray qeybaha ay ka koobantahay suuqa oo muddo sideed bil ah ku socotay howlo dib u dayactir ah.

Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab Cismaan Axmed Dhoore ayaa sheegay in dib u howlgelinta suuqa uu wax weyn ku soo kordhin doono bulshada ku nool degmada, isagoo sharaxaad ka bixiyay adeegyada uu bulshada u qabanayo.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Benaadir ee dhanka Siyaasadda Maxamed Aadan Guuleed “Caano geel” oo ugu dambeyntii ka hadlay goobta ayaa uga mahadceliyay hay’adda UN-Habitat dib u dayavtirka suuqa, waxaana uu intaa ku daray in Maamulka Gobolka uu dhiiri gelinayo dib u howlgelinta xarumaha danta guud ee loogu adeegayo bulshada.

22-kii February ayay hayd markii dib u dayactirka suuqa Ansalooti uu bilowday, kaasi oo ay iska kaashadeen Maamulka Gobolka iyo hay’adda UN-Habitat.

You must be logged in to post a comment Login