Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamulka Gobolka Hiiraan o Soo Dhaweyey Cabdiwali Gaas

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa wuxuu ka Hadlay Isbadalka Cusub ee maamulka Puntland iyo Qabashada Xilka Madaxweynenimo ee uu Qabtay Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaaas.

Maamulka Gobolka ayaa waxaa ay Hambalyo Kal iyo Laab ah u Direen Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Puntland asigoo Maamulka ku Bogaadiyey Guusha uu Gaaray Cabdiwali Gaas iyo isbadala ka Dhacay Deegaanadaasi.

Dhamaan Shacabka reer Hiiraan iyo Maamulka Gobolka Hiiraan Waxaay hambalyo iyo Bogaadin u Dirayaan madaxweynaha cusub Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee loo doortay maamulka Puntland.

Waa Wax Ku Dayasho Mudan Sida Wanaagsan oo ay u Dhacday Doorashada Maamulka Puntland taasoo looga baahanyahay Gobolada Somaliya inta hartay in ay Sameeystaan Maamul Kaa la mid ah ayuu yiri Madax kamid ah Maamulka Gobolka Hiiraan.

You must be logged in to post a comment Login