Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamulka Jubba oo Shacabka ku amray in ay ka guuraan Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Kismaayo December 10, 2013

Booqashadii_Jowhar_ee_XSHM_3

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Jubba Max’ed Warsame Faarax Jeneraal Darwiish oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in dadka ku dhaqan Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ay halkaasi isaga guuraan.

Jeneraal Darwiish ayaa sheegay in hadda ay qorsheenayaan in ay dib uga raraan dad badan oo ku soo barakacay Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo mudadii dagaalada Sokeeye sida uu hadalka u dhigay.

“ Hadda ma jirto meel gaar ah oo aan u diyaarinay dadkaan hayeeshee markii hore iskood ayey u soo degeen iminkana waa in ay meela kale oo ay deegaansadaan raadsadaan” ayuu yiri Max’ed Warsame Faarax Jeneraal Darwiish Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Jubbaland.

Hadalka Masuulkaani ka tirsan Maamulka Jubba ayaa imaanaya Xilli dhawaan un la Magacaabaya Wasiirada Maamulka Jubba ee uu hoggaamiye Axmed Max’ed islaam Axmed Madoobe.

You must be logged in to post a comment Login