Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamulka Khaatumo oo Weerar Khasaaro Geystay oo Lagu qaaday Saax-dheer ku eedeeyay Soomaaliland

Maamulka Khaatumo ayaa ku eedeeyay maamulka Somaliland weerar dad ay ku dhinteen oo lagu qaaday deegaanka Saax dheere ee gobolka Sool.
Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay ku soo xad gudbeen shacabkii deganaa deegaanka Saax dheer halkaasi oo uu shaaciyay in ay dad rayid ah ku dileen.
Waxa uu intaasi raaciyay in ay iska caabiyeen ciidamadii Maamulka Khaatumo isaga oo xusay in ciidamada Somaliland ay fariisin ka sameysteen meel aan ka fogeyn deegaanka Saax dheer, dadkii shacabka ahaana ay ku jiraan meel dhexe oo ciidamada labada dhinac u dhaxeysa isaga oo mas’uuliyada khasaarihii gaaray shacabkana ku eedeeyay dhinaca Somaliland.
“ Ciidamada Somaliland waxa ay hoobiyeyaal ku garaaceen magaalada kadib markii ciidankeena ay fariisimo ka sameysteen duleedka Saax dheer.” Ayuu yiri Maxamuud Sheekh Cumar Xasan.
Ciidamada maamulka Somaliland ayaa kol hore weerar ku qaaday deegaanka Saax dheer xilli lagu waday in lagu caleemo saaro madaxwaynahay cusub ee maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galayr.
– See more at: http://ceelhuur.com/?p=16261#sthash.GdTllRVK.dpuf order baclofen online cheap, generic zithromax.

You must be logged in to post a comment Login