Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamulka KMG ah ee gacanta ku haya magaalada Kismaayo oo Nairobi looga yeeray

Qaar kamid ah gudiga farsamada maamul u samaynta Jubbooyinka iyo masuuliyiinta maamulka ku meel gaar ah ee Kismaayo ayaa ku siijeeda magaalada Nairobi, kadib markii arimo wada tashi ay ugu yeereen urur goboleedka IGAD gaar ahaan kuwa daadihinaya shirka ka socda kismaayo oo kala ah Kenya iyo itoobiya.

Ujeedooyinka safarka xubnahaasi oo saxaafadda laga qariyay, ayaan waxa war ah laga heynin waxaase waxaa loo maleynayaa inay ku saabsantahay arrimaha maamul u samaynta Jubbooyinka iyo Gedo.
Shirka ka socda kismaayo ayaa waxaa ka soo horjeestay oo qaadacay qaar kamid beelaha dega gobolada jubbooyinka iyo dowladda soomaaliya ay shirkaasi sheegtai ineysan u dhameyn beela daga halkaasi,inkastoo xubnaha shirka wadaa ay sheegeen inuusan shirku joogsan doonin ama dowladdu ha timaado ama yeysan imaanine.

Dadka tagaya Nairobi ee lo yeeray ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyaha ku meel gaarka ee Kismaayo Sh. Axmed Madoobe, lamana garanaayo inta maalmood ee ay qaadan socdaalkooda ay ku tagayaan Nairobi.

You must be logged in to post a comment Login