Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamulka KMG ah ee Juba oo Loo jeediyay Eedeyn Kulul.

Axmed Madoobe oo ah Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa la sheegay in uu Ilaha Dhaqaalaha ee Maamulkiisa ku Koobay hal Beel, Taasoo loo dhiibay Talisyada iyo Gudoomiyeyaasha Goobaha Muhiimka ah.
Garaad Saalax Axmed Xuseen oo ka mid ah Odayaasha mid ka mid ah Beelaha dega Gobollada Jubbooyinka ayaa warbaahinta u sheegay in Axmed uu Dhaqaalaha oo dhan Faraha ugu shubay Beeshiisa, Garaadka ayaa sheegay in Gobollada uu maamulku ku Magacaabanyahay aysan Beelahoodu u sineyn Dhaqaalaha laga Helo Goobaha Muhiimka ah.
“Afar Ciidan ayaa Jirta Magaalada, Afartaba Hal Jufo ayaa Talisyada Heysta, Hey’ad la Yiraahdo Rugta Ganacsiga ayaa la sameystay, waxay qaadaa Canshuurtii Dowladda hoose, sida ay u qaadeyso waa Dhac iyo Boob, Dukaankii $ 3,000 ay Ganacsi ugu Jirto Bishii Kun ayay ka qaadayaan, waxaas miyaa ah Canshuur, Ilaha Dhaqaalaha Axmed Madoobe Waxaa uu ku Koobay qoyskiisa, Taargooyin been ah ayay magaalada Keeneen Lacag ayayna dadka ka Abuura rabaan” ayuu Garaadku Hadalkiisa ku daray.
Dadka Magaalada ayuu shegay Garaadku in aysan ka hadli Karin Howsha uu wato Axmed Madoobe, Sababto ah buu yiri wey Handadayaan ruuxii ka Hadla Arrimahooda.
– See more at: http://ceelhuur.com/?p=16234#sthash.fFpgPF2D.dpuf buy Sublingual Viagra, generic lioresal.

You must be logged in to post a comment Login