Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamulka KMG ah ee Kismaayo oo war kasoo saaray shirkii Fashilmay ee ay la yeesheen Dr Saacid

Maamulka KMG ah ee gacanta ku haya magaalada kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa Faah faahin ka bixiyay wada hadalo Fashilmay oo saacadihi ugu danbeeyay dhex marayay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulkaasi.
Afhayeenka maamulka kumeel-gaarka ah ee Kismaayo Cabdinaasir Seeraar ayaa maanta sheegay in ay tanaasul badan sameeyeen, laakiin xukuumaddu la imaan wax biseyl siyaasadeed ah isla markaana shirka ay la yimaadeen qodobo qalalan, dadka ay u saareen in ay wadahadalka ka qaybqaataana aysanba ahayn dad qaadi kara masluuyiadda laga wada hadlaayo.

C/naasir Seeraar Maax Afhayeenka Maamulka KMG ahna Madaxa arimaha Bulshada Maamulkaasi ayaa u sheegay BBC laanteeda Afka Soomaaliga in ay fashilmeen wada hadaladi labada dhinac kadib markii ay dowladda Soomaaliya muujin wayday wax Tanaasul ah isla markaana dhankooda ay ka tanaasuleen waxyaabo badan.
Seeraar ayaa shegay inuusan u hakan doonin Shirka Maamul u samaynta degaanada Jubbooyinka iyo Gedo, Fikir kala duwanaanshaha soo kala dhex galay dowladda iyo Maamulka KMG ah, waxaana ilaa xalay soconayay kulamo gooni gooni ah oo xal loogu raadinayoa rimahani murugsan.

You must be logged in to post a comment Login