Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamulka Puntiland oo idaacadaha gaarka loo leeyahay ku qasbay inay hoos yimadaan

War saxafaded la qoray 21-kii bishii labaad ee sanadkaan soona baxday 13-ka bishaan ayaa lagu sheegay in 3-idacadood oo maxali ah oo ka jira deegaanada Puntland ay hoostagayaan wasaaradda warfaafinta maamulkaasi.

Wasarada warfaafinta , xiriirka iyo dhaqaanka maamulka goboleedka Puntiland oo waregtadaan ay kasoo baxday ayaa lagu sheegay in idacadaha sedaxda ah ee laga dhageysto deeganadaasi sida Ergo, Radio Barkulan iyo Hirad laga doonayo in ay hoos tagaan wasarada warfafinta Puntiland.

War saxafadedka waxa ku saxiixnaa wasiirka warfaafinta Puntiland, Maxamud Ceydiid Dirir.

Waregtadaan idaacadaha lagula wareegayo waxaa canbaareyn dusha uga tuuray Ururka suxufiyiinta qaranka soomaaliyeed (NUSOJ) kuwaas oo ku sheegay wax aan u cuntami Karin saxaafada madax banaan.

You must be logged in to post a comment Login