Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamulka Puntland oo xog aan la ogeyn ka bixisay qaabka uu isku soo dhiibay Sheekh Atam

Garoowe (Somalimedia)-Maamulka Puntland ayaa ka warbixisay qaabka uu isku diibay hoggaamiyihii Shabaab ee deegannada Puntland, Sheekh Maxamed Saciid Atam oo shaley isku soo dhiibay dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Wasiir ammaanka Puntland, Xasan Cismaan Maxamuud Aloore Cialis Super Active for sale, clomid without prescription. oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Puntland ay ka war qabtay is soo dhiibistay Sheekh Atam, wuxuuna intaas ku daray in muddo 10 cisho ka hor ay ogaayeen in sarkaalkan ka tirsanaa Al-Shabaab uu damacsanaa in uu isku soo dhiibo dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Sheekh Atam in uu sannadkii 2012-ka uu damcay in uu isoo dhiibo balse maamulkii Faroole uu shuruud ku xiray, isagoona intaas ku daray in haddii uu Atam ka soo laabtay mowqifkiisii horre in uu yahay muwaadin u dhashay Puntland.

Wasiirka amniga Puntland wuxuu hoosta ka xariiqay in maamulkooda uu soo dhaweenaayo go’aanka uu isku soo dhiibay madixii Shabaab ee deegannada Puntland.

Dhinaca kale, madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shaaciyay in maamulkiisa uu hadda go’aan ka qaadan karin in ay cafiyaan Maxamed Saciid Atam oo dagaallo xooggan kula galay Puntland buuraha Galgala ee gobalka Bari.

Puntland ayaa dagaallo xooggan kula jirta xubno ka tirsan Al-Shabaab kuwaasoo saldhigyo waaweyn ku leh buuraha Galgala ee gobalka Bari.

Wakaalada Wararka Somalimedia.co.uk

Xafiis ka wararka Garoowe

Email : info@somalimedia.co.uk

You must be logged in to post a comment Login