Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamulka Sh/dhexe oo lagu eedeeyay waxqabad la’aan iyo cadaalad daro

Xili shalay uu gaaray magaalada Jowhar Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa Odayaasha iyo Wagaradka gobolka Sh/dhexe cabasho ka muujiyeen cadaalad daro iyo Maamul xumo.
Mid ka mid ah Waxgaradka gobolka ayaa Masuuliyada cadaalad darada Gobalka Shabeelaha Dhexe waxa uu ku eedeeyay maamulka Gobalka oo ay ku tilmaameen in adeegyada Bulshada ay si aad ah uga gaabiyeen.
Eedeeha maamulka loo jeediyay ayaa ku aadan waxkaqabasho la’aanta dhismaha wadooyinka iyo adeegyada guud ee caafimaadka iyadoo maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe uu qaado canshuuro joogto ah sida waxgaradka ay ku eedeeyeen.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in cadaalada darada ay ka cabteen shacabka Gobalka Shabeelaha Dhexe ay sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qabanayaan.

You must be logged in to post a comment Login