Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamulka Somaliland Oo ku Hanjabay in ay joogsan doonaan wada hadallada Federaalka kala dhexeeya.

buy Tadalis SX Soft online cheap, order lioresal. Maamulka Somaliland ayaa sheegay in la soo wareegitaanka dowladda Federaalka ah ee Hawada Soomaaliya uu saameyn ku yeelan doono wada hadalladii u dhexeeyay Somaliland iyo Somalia ee midnimada Soomaaliya ku saabsanaa, maadaamaa Somaliland ay dhawaan sheegtay in hawadeeda aan laga Maamuli doonin Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Duulista hawada iyo Garoomada Maamulka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo warbaahinta la hadlay ayaa arrintaan ka dhawaajiyey, waxaana uu sheegay in lasoo wareegitaanka Soomaaliya ee Maamulka Hawada uu saameyn ku yeelan doono heshiiskii Turkiga lagu wada gaaray.

Waxaa uu intaas ku daray in horay Dowladda Federaalku ay uga baxday heshiisyo wada hadallada ku saabsanaa oo horay loo wada gaaray, waxaana uu sheegay haddii ay dhacdo in dowladdu ay lasoo wareegto Maamulka Hawada in uu meesha ka bixi doono ama uu burburi doono heshiiskii wada hadalka ku saabsanaa.

Hadalka Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Maamulka Somaliland ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay sheegtay in ay Maamulka Hawada kula soo wareegi doono muddo kooban.

You must be logged in to post a comment Login