Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo gacanta ku dhigay carruur la qafaashay “Sawrirro”

313

Tadalis SX buy online, dapoxetine without prescription. 59

69Ciidamada ammaanka ee maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa howlgallo ay shalay sameeyeen waxa ay kusoo qabteen carruur looga shakisanyahay in lasoo xaday kuwaasi oo laga keenay gobollada koofureed loona waday magaalada Gaalkacyo.

Carruurtaan la qabtay ayaa tiro ahaan gaaraya ilaa 18 cunug, waxaana howlgalka lagu qabtay ilaa labo qof oo la sheegay inay wadeen carruurtan oo qaarkood aad u da’yar, kana muuqatay dhibaatooyin kala duwan.

Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb Careys Maxamed Xaaji oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ee maamulka Ximan iyo Xeeb ay gacanta ku soo dhigeen gaari Hoomi ah oo carruuntan looga keenay gobollada Koofureed, waxaana uu intaa raaciyay in baaritaano arrintaasi la xariirto ay wadaan ciidamada ammaanka.

Carruurta ayaa waxaa lagu hayaa guriga hooyooyinka ee magaalada Cadaado, halka dadkii watay carruurtaasi loo taxaabay xasbiga, islamarkaana lagu hayo baaritaanno dheeraad ah.

You must be logged in to post a comment Login