Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamulkii Shabaab ee Bu’aale oo la badalay

Wakiilka al Shabaab ee gobolada Jubooyinka Sheekh Xudeyfa Abuu Cabdi raxmaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in isbadal lagu sameeyay Maamulka degmada Bu’aale.

Waxa uu sheegay in la badalay Gudoomiyihii Al Shabaab ee degmadaasi oo lagu badalay Gudoomiye cusub, waxaana uu intaasi ku daray in wax badan uu soo qabtay wakiilkii hore waxaase uu meesha ka saaray in ay jirto caqabad keentay wax ka badalka maamulka.

Sheekh Xudeyfa ayaa sidoo kale sheegay in waxbarasho ay ka bilaabeen deegaano ka tirsan gobolka Jubada dhexe si buu yiri ay ardeyda u baraan tarbiyada, waxaana dhinaca kale mar uu soo hadal qaaday arrimaha Kismaayo uu sheegay inay dib u qabsanayaan.

Al Shabaab ayaa horay isbadalo ugu sameeyay maamul hore oo ay ka mid ahaayeen Maamuladii gobolada Jubooyinka, Galgaduud iyo Sh/dhexe.

You must be logged in to post a comment Login