Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madal uu hoggaamin doono Shariif Sheikh oo looga dhawaaqayo Muqdisho

S

 Oct 30, 2019

 0S

Muqdisho–Magaalada Muqdisho waxaa haatan shir uga socdaa madaxda qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadda ee dalka,waxaana shirkaas looga dhawaaqayaa madal iskaashi oo ay yeelanayaan xisbiyadu iyo hoggaan rasmi ah.

Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheikh iyo Shariif Sheikh, xubno siyaasiyiin ah oo ka tirsan xisbiyada siyaaadeed ee dalka iyo xildhibaanno ayaa qeyb ka ah xubnaha iskugu yimid shirka

Warar hoose ayaa sheegaya in goordhaw ay mas’uuliyiintaas qaba doonaan shir jaraa’id isla markaana haatan la isku raacay in hoggaamiyaha madashaas laga dhigo Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed, halka ku-xigeenana looga dhigi rabo xubnaha kala ah Prof. Maxamed Cabdi Gaandi iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Madasha Xisbiyada Siyaasadda Qaran ee maanta Muqdisho looga dhawaaqayo waxaa iskaga baxay oo aan qeyb ka aheyn Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waxuuna xisbigaas ka biya  diiday in madasha la samaynayo ay yeelato hoggaan, isagoo taas bedelkeed soo jeediyay in la sameeyo xiriiriye oo kaliya.

Afhayeenkii madashii ay ku mideysnaayeen xisbiyadan Cabdilatiif Sanyare ayaa iska casilay xilkaas oo si ku meel gaar ah ay horay ugu doorteen xisbiyadu, waxuuna Cabdilatiif ka tirsanyahay Xisbiga Wadajir oo aan qeyb ka aheyn madasha maanta lagu dhawaaqi doono.

You must be logged in to post a comment Login