Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madamadda ICJ oo mar kale dib u dhigtay dhageysiga kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya

 

Muqdisho–Garsoorka maxkamadda cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa ku dhawaaqay in mar kale dib loo dhigay waqtiga dhageysiga dacwadda muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

War maanta kasoo baxay maxkamadda uu fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Netherlands ayaa lagu sharraxay sababta dib loogu dhigay iyo waliba jadwalka dhageysiga kiiskaas.

Warqad loo diray dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayey garsoorka maxkamaddu ku sheegeen in markii ay dhageysteen codsiga dib u dhigista oo ay gudbisay Kenya, sidoo kalena eegeen xaaladda uu sababay xanuunka Coronavirus ay go’aansadeen in waqtiga furitaanka dhageysiga kiiska laga dhigo 15-ka bisha Maarso ee sanadka 2021-ka.

Dhowr jeer oo hore ayaa dib loo dhigay dhageysiga kiiskan, kadib codsiyo maxkamadda uga yimid Kenya, balse haatan waxaa lagu cadeyay qoraalka ICJ in saameynta xanuunka Coronavirus ay qeyb ka tahay go’aanka dib u dhigista.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay muujineysay in si weyn uga biya diidsantahay dalabka Kenya ee ah in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda badda ee maxkamadda, waxayna ku dooday in kiiskaan lagu dhageysto hab maqal iyo muuqaal ah.

Jadwalka cusub: dhageysiga dacwada ayaa billaabanayaa 15-ka bisha Maaarso ee sanadka 2021-ka, waxaana la wadi doonaa illaa afar maalmood.

Isniin, 15 March, (10:00 am – 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad.

03:00 pm – 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad.

Arbaco, 17 March, ((10:00 am – 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad.

03:00 pm – 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad.

Khamiis, 18 March, (03:00 pm – 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda labaad.

Jimce, 19 March, (03:00 pm – 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda labaad.

You must be logged in to post a comment Login