Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madax hore, Mucaaradka iyo Maamul goboleedyada oo lagu casuumay caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland

January 22, 2019

Munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa waxaa isku arki doono wejiyo kala duwan oo isugu jira Madaxdii hore, Madaxda hadda, mucaaradka iyo maamul goboleedyada, kuwaasoo xilligan u dhaxeeya kala aragti duwanaan siyaasadeed.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni lagu casuumay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, sida Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Hoggaamiyaha Mucaaradka ee Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur.

Madaxdan la casuumay ayaa hoggaamiye ka ah Xisbiyo Siyaasadeed oo han uga jira xilalka ugu sareeya dalka, kuwaasoo maalmaha soo socda tagi doona magaalada Garowe.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa xaqiijiyay Munaasabadda Caleema saarka la qorsheeyay inay dhacdo 26-ka bishan Janaayo oo ku beegan sabtida soo socota.

Sidoo kale waxaa la filayaa Madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka sida Madaxweynaha ama Ra’iisul Wasaaraha ay ka qeyb geli doonaan Munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland, iyadoo wafdi horudhac ah oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Senator ay qeybtooda ugu horeysa tagi doonaan Khamiista soo socota

Waxaa kaloo caleema saarka ka qeyb geli doona Madaxda Maamul goboleedyada ee xilligan khilaafka kala dhaxeeyo dowladda Federaalka, sida Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug oo aanay horay uga qeyb galin caleema saarkii Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa si aad ah u hadal haya Madaxda kala aragtida duwan ee xilligan isku haya siyaasadda Soomaaliya in markii u horeysay hal meel ku wada kulmi doonaan, iyadoo ay u badan tahay in khudbadaha laga jeedinayo Caleema saarka in la isku hoos geliyo oo hadalo kulul la isku weydaarsado.

Share this:

You must be logged in to post a comment Login