Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxa Aamin Ambulance oo la soo xiray

Muqdisho–Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa caawa soo xiray Agaasimaha hey’adda gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Aamin Ambulance Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Aadan.

Warqad kasoo baxday xaafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa lagu amray taliska hey’adda dembi barista booliska Soomaaliya ee CID-da soo qabashada Cabdulqaadir Cabdiraxmaan madaxa hey’adda Aamin Ambulance.

Warqadda ayaa lagu sheegay in Agaasimaha Aamin Ambulance oo ay cabasho kasoo gudbiyeen laba nin oo lagu kala magacaabo Axmd Cabdiraxmaan Diiriye iyo Barre Cismaan Xuseen, kuwaas oo uu ka qabo lacag cadadkeedu dhanyahay, 214,000 oo dollar.

Hoos ka akhriso warqadda

 

You must be logged in to post a comment Login