Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxda Kenya oo raali ka ah Gumaadka shacabka (WARBIXIN)

1209053_507747939329113_889069291_n-1

Madaxwayne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa Wilyam Ruto ayaa waxa ay ku gacanseyreen baaqyo kala duwan oo looga dalbanayey inay la joojiyo raafka sida gaar ka ah loogu hayo dadka Soomaalida ah ee ku nool magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya halkaas oo dhowrkii maalmood ee tagay laga qabqabtay kumanaan Soomaali ah oo ay ku jiraan haween iyo caruur tiro badan kuwaas oo hadda la isugu geeyey garoon kubadda lagu ciyaaro oo ku yaalla magaalada Nairobi kadib markii ay buuxdhaafeen saladhigyada booliska ee magaaladaasi.

Madaxwaynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa oo howlgalka lagu raafayo dadka asal ahaan ka soo jeeda soomaalida u bixiyey magac ah howlgalka ka dhanka argagixisada ayaa sheegay in uu sii socon doono howgalkaasi waxa ayna ku doodeen in inta laga sifeynayo dalka dadka qalqalka ku haya amanka uu howlgalka sii socon doono ,waxayna intaasi ku dareen in ilaa qof waliba oo Kenyan ahi uu cabsi la’aan ku seexdo in howlgaladu ay sii socon doonaan sida ay yiraahdeen.

Madaxwaynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dhanka kale uga digay siyaasiyiinta in ay howlgalka socda ay ka dhigaan mid lagu bartilmaameedsanayo qoomiyad ama diin gaar ah ,iyadoo la ogyahay in dad aan soomaali aheyn aan howgalkaasia lagu qabanin,wuxuuna ku dooday in ay diin iyo qabiil si gaar ah loo bartilmaameedsanayo aysan jirin islamarkana lagu raad joogo Danbiilayaasha sida uu yiri.

Hadalka ka sooyeeray madaxweynaha Kenya iyo ku-xigeenkiisa ayaa imaanaya iyadoo hoggaamiyeyaasha soomaalida oo ay ku jiraan madaxda dowladda soomaaliya ,wasiiro,ganacsato ,siyaasiyiin soomaali ah oo xilal sar sare ka haya dalka Kenya ay ugu baaqeen madaxweynaha Kenya in la joojiyo howlgalka sida gaarka ah loogu bartilmaameedsanayo dadka soomaalida ah ee ku nool Nairobi taas oo sida muuqata uu ku gacanseyray madaxweynaha Kenya.

You must be logged in to post a comment Login