Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

madaxda Midowga Yurub oo markab dagaal saaran

Hogaamiyayaasha sadexda dal ee qaarada Yurub ugu dhaqaalaha badan ayaa maanta kulmay si ay uga wadahadlaan mustaqbalka Midowga Yurub, kadib markii Ingiriisku si lama filaan ah u goostay inuu ka boxo.

Raysal Wasaarada Jarmalka Angela Merkel, Madaxweynaha Faransiiska François Hollande iyo Raysal wasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi waxay ku shirsanyihiin markab taagan meel u dhow jasiirada Ventotene.

Kulankan oo ka socda markab kuwa diyaaradaha xanbaara ah oo ay leeyihiin ciidanka badda Talyaaniga ayey diirada ku saarayaan mustaqbalka Midowga Yurub bixitaankii Ingiriiska kadib, sida wax looga qabanayo qaxootiga ku soo qulqulaya qaarada iyo dhaqaalaha.

Cialis soft FRUIT no rx, buy Zoloft online. buy Cialis Soft, buy zithromax.

Hogaamiyayaasha Yurub waxa ku shirsanyihiin markabkan .
Markabka ay hogaamiyayaashu ku shirsanyihiin .

Ventotene waxa ku xirnaan jiray siyaasiyiin Talyaani ah oo garabka bidix u janjeeray kuwaas oo sanadii 1941 soo saaray bayaan ay ugu baaqayeen Yurub inay ku midowdo nidaam federaal ah si looga badbaado dagaalo kale.

Bayaanka oo ay ku qoreen waraaqaha sigaarka waxay u dhibeen gabar Jarmal ah oo tahriib ku soo gelisay dal weynaha Talyaaniga iyadoo la wadaagtay xoogagii iska caabinta faashistihii Benito Mussolini.

75 sano kadib hogaamiyayaasha Yurub ayaa u xushay kulankoodu inuu ka dhaco markabka Garibaldi oo taagan xeebta Ventotene si ay uga doodaan mustaqbalka sidii Yurub u noqon lahayd hal dal oo federaal ah.

Super Kamagra online, purchase dapoxetine.

You must be logged in to post a comment Login