Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxda ugu sareysa dalka oo hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

Muqdisho–Madaxda ugu sareysa dowladad federaalka Soomaaliya  ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyed oo maanta u dabaal dagaya farxaada maalinta koowaad ee Ciida Soon-fur

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu  hambalyeeyay dhammaan umadda Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabaka Soomaliyed in ay ilalaiyaan badqabka caafimaadkooda, madaama uu dalka ka jiro xanuunka sida xowliga ah ku faafa ee Coronavirus.

Ra’iisul Wasaaraha Soomalaiya Xasan Cali Kheyre ayaa isna dhankiisa waxa uu hambalyo u diray shacabka Somnaaliyed, waxuuna sigar ah hambayo ula wadaagay dhakhaatiirta iyo wasarada cafimaadka oo uu sheegay  inay nafta u hureen dalka bacdamaa ay u taganyhiin la dagalanka COVID-19

Geysta kale guddoomiyeyaasha golaha shacabka iyo golaha Aqalka Sare  Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo sidoo kale guddoomiyaha gobolka Baanadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa umada Soomaaliyed waxa ay ugu hambalyeeyeen maalitan koowaad ee Ciida Soon-fur.

Warbixintan waxaa nooga diyaariyay Weriyaha Idaacadda Kulmiye Yoonis Duraan Cali.

You must be logged in to post a comment Login