Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxii Booliska AMISOM Oo Ku Geeriyootay Shilkii Diyaaradeed Ee Itoobiya

March 11, 2019

Addis Ababa (SMN) – Qaar ka mid ah Wargeysyada ka soo baxa dalka Uganda ayaa sheegay in Christine Alalo oo aheyd madaxii Booliska howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ay ka mid aheyd rakaabka diyaaradii shaly ku burburtay dalka Itoobiya.

Wargeyska Softpower oo ka soo baxa dalka Uganda ayaa sheegay in dhimashada Alalo uu u xaqiijiyay ku xigeenka madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Simon Mulongo.

Mr Mulongo ayaa sida la sheegay xusay in christiano Alalo oo shaqo wadaag ay ahaayeen loo xaqiijiyay in ay ku jirtay rakaabka diyaaradaasi saarnaa oo dhamaantood shilkaasi ku geeriyootay.

Illaa iyo hadda madaxda sare ee howlgalka AMISOM si toos ugama aysan hadlin wararka la xiriira dhimashada Alalo.

Diyaaradii Itoobiyaan Airlines ee shalay ku burburtay gudaha dalkaasi oo ay ku geeriyoodeen 157 ruux oo isagu jiray rakaab iyo shaqaale saarnaa diyaarada ayaa la sheegay in ay ku jireen tiro Soomaali ah oo qaarkood heystay dhalashada dalal kale.

You must be logged in to post a comment Login