Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxtooyada Oo Calaacal Timo Kasoo Baxeen Ku Tilmaamay In Dr. Fadal Magaca Komishanka Doorashada Ku Xaadiro

Penegra without prescription, lioresal without prescription. Al shabaab vs SomalilandMadaxtooyada Somaliland ayaa Daqiiqado ka hor soo saartay War-saxaafadeed ay kaga soo horjeedaan in Dr. Maxamed Cismaan Fadal ka mid noqdo xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, kuna muujinayaan in aanay sinaba u aqbalayn in Xisbiga WADANI mar Saddexaad dib ugu soo celiyo xubintaas.

Nuqul ka mid ah War-saxaafadeedka Caways-guuraynaya waxa sadaradiisa dambe lagu sheegay in Xisbiga WADANI soo xulista xubintaa aanu u marin sife waafaqsan Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanada Xeer Lr.20/2001, hase-ahaatee sida War-saxaafadeedka ka muuqata arintaa Madaxtooyadu kaga jawaabtay waxay xujo uga dhigeen in dib usoo celinta Dr. Maxamed Cismaan Fadal uu yahay xubin ka tirsan Xisbiga WADANI.

War-saxaafadeedkaas oo faahfaahsanina waxa uu u dhignaa sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XMW/0092814/102014, uu dib ugu soo celiyey Xisbiga Waddani inay Dib-u-soo Xulaan Xubinta Guddida Doorashooyinka Qaranka.

Ujeeddo Madaxweye: Dib-u-soo Xulid, Xubinta Guddida Doorashooyinka Qaranka

Mudane Guddoomiye,

Tixraac qoraalka Xisbiga WADDANI ee summaddiisu tahay XIS/WAD/XDH/165-2014, kuna taariikhaysan02/10/2014, ujeedadiisuna tahay jawaab celinta Xubinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Xisbiga WADDANI oo aad dib ugu soo sharaxday Dr. Maxamed Cismaan Fadal.

Haddaba, waxa danta Qaranka u adeegaya in aynu si niyadsami ah isaga xil saarno ku dhaqanka, ilaalinta sharciga iyo habraaca soo xulista Xubnaha Guddida Doorashooyinka uu u dhigay Qodobka 12aad ee Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanada Xeer Lr.20/2001, qoraalkaaguna kuma salaysna sharciyaddaas, isla markaana waxa cad in wakhtiga aan ku xusay qoraalkii hore ay xubintaasi ka mid ahay Xisbiga WADDANI.

Sidaas darteed Mudane Guddoomiye, waxaan go’aamiyey in aan mar labaad dib idiinku soo celiyo Xubinta aad ii soo gudbiseen, waxaanan idinka rajaynaya inaad soo gudbin doontaan xubin buuxin karta shuruudaha XeerLr.20/2001 uu tilmaamay”.

Soo cel-celinta Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo isagu sida muuqata buuxiyey Shuruudihii looga baahnaa xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka, ayaa waxa dadku is weydiinayaan sababta Madaxweynuhu u gudan waayey in sida Sharcigu yahay uu u gudbiyo Baarlamaanka oo ah hay’ada u xil saaran qiimaynta aqooneed, ogolaanshaha ama diidmada xubnaha loo soo xulay Guddiga Doorashooyinka.

Hase-yeeshee, waxay bulshadu is weydiinayaan sharciyada xalaalaysay in Siciid Cali Muuse oo Wasaarada Arimaha Dibeda mushahar kaga qaata La-Taliye iyo Cabdiqaadir Iimaan oo isna ah La-Taliyaha Wasiirka Madaxtooyada ay ka mid noqdaan xubnaha Komishanka iyo Doorashooyinka, sidoo kalena u diidaya Dr. Maxamed Cismaan Fadal.

You must be logged in to post a comment Login