Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweye Xassan oo ka hadlay waxqabadka dowladda iyo arrimo kale

Sildalis no rx, buy zithromax online.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay wax qabadka dowladdiisa oo laba sano jirsatay ayaa ka jawaabay su’aalo ay weydiinayeen dadkii ka qeyb galay kulanka, madaxa hay’adda Heritage Cabdiraxmaan Ceynte ayaana su’aalaha u qeybinayay dadweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Kenya ay calaameysatay qeyb ka mid ah badda Soomaaliya, ayna u dirsatay shirkado shidaal ka baara, taasna ay sababtay in dowladdiisa ay dacwad u gudbiso maxkamadda sare ee Qarammada Midoobay, kadib markii lagu guul dareystay guddiyo labada dhinac ka socday oo loo xil saaray xal ka gaarista arrimaha badda.

Mar uu ka hadlayay maamullada Somaliland iyo Puntland ayuu sheegay in wadahadallada Somaliland ay sii xoojinayaan, islamarkaana aysan jirin wax qasab ah oo wax walba lagu dhameyn doono wada hadal,

dhinaca Puntland ayuu ku ammaanay qaabka dimoqoraadiyadda ah ee madaxdooda isku baddaleyso, balse wuxuu xusay in madaxda Puntland ay ka caroodeen maamul u sameynta gobollada dhexe ee dalka, oo ah mid aanan lagu dhibaateeneynin maamulka, ayna tahay howl ay xaq u leedahay dowladda federaalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdiisa ay AMISOM si toos ah u weydiisay warbixintii ay soo saartay hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, islamarkaana ay ka xun yihiin dhibaato kasta oo loo geysanayo dumarka Soomaalida, dowladduna ay qaadday tallaabooyin cad cad oo dhawaan ay shacabku maqli doonaan,

Xasan Sheekh ayaa xusay in lixdii qodob ee uu ballan qaaday dhammaantood uu wax un ka hirgaliyay, isagoo u kala horreysiinayay sida ay u kala muhiimsan yihiin, dhinaca ammaanka iyo wax ka qabashada abaaraha ayuu madaxweynuhu sheegay in guula badan laga gaaray, gargaar la gaarsiiyay dad badan oo ku dhibaateesnaa deegaannada dhawaan laga xoreeyay Al-Shabaab, islamarkaana amniga guud ee dalka uu hadda yahay mid aad u wanaagsan.

You must be logged in to post a comment Login